Xaaladda dalka iyo soo labakaclaynta COVID-19

Warbixin Keydmedia Online

Howlwadeena Caafimaadka iyo xabaal-qodayaasha ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen dhimasho aan horay loo arag oo maalmihii ugu dambeeyay kadib markii dalka uu kusoo labakacleeyay Covid-19 bishii lasoo dhaafay.

Xaaladda dalka iyo soo labakaclaynta COVID-19

Tirada sii kordheysa ee dhimashadda iyo dadka uu soo rito cudurka, ayaa cabsi ku beertay dadka ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo Covid-19 fara ba’an uu ku hayo, iyadoo aan lahayn daryeel Cafimaad oo wanaagsan.

Shalay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6 Maarso sanadka 2021 Tirada 48 -dii saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka Soomaaliya waa 1,669 qof oo isu jira rag iyo dumar ka kooban waayeel, dhallinyaro iyo caruur.

Tirada dadka u dhintay muddadaas 48 -da saac ah waxay gaaraysaa 20 ruux oo 18 kamida ay ku geeriyoodeen gobolka Benaadir, halka inta kalena ay yihiin gobollada waqooyi ee Somaliland, waana 2 ruux.

Illaa iyo hadda Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan uguna nugul qaaradda Afrika, ayaa wuxuu xanuunka Coronavirus dilay 250 in ka badan, waxuuna ku dhacay 7,518 tan iyo sanadkii tagey, tirada saxda ah ayaa intaas aad uga badan. 

Isbitaallada oo ka cabanaya qalab iyo Oxygen la’aan

Muqdisho Isbitaallo loo gaar yeelay bukaanada COVID-19 aad bay u yar yihiin, waxaa ugu wayn Martiini, oo dowladda ay maamusho, halkaasi laga diiwaangeliyo maalin walba dhimashada aad u badan.

Oxygen la’aan ka jirta Isbitaalka Martiini, oo saacaddii Oxygen ah qofka markii lagu xiro waxaa laga qaadaa illaa 30$, taasoo aysan awoodin dadka saboolka ah, iyadoo dhibaatadan ay kordhiysay tirade dadka u dhimaya Covid-19.

Waxaa kaloo ka jirta Isbitaal dhaqaatiir yari, kadib markii ay ka carareen howlwadeena qaar oo ka baqay inuu ku dhaco cudurka oo sidii hore ka khatar badan, iyadoo si isku mid ah ugu dhacaan duq iyo da’yar.

Todobaadyadii ugu dambeeyay, cudurka wuxuu dilay dad caan ah oo ay kamid ahaayeen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, fanaanada Faadumo Cali Nakruuma iyo Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe).

Dhaqaatiirta dagaalka kula jira Covid-19 ayaa ugu baaqay dowladda inay talaabo deg deg ah qaado kahor inta aysan xaaladda faraha ka bixin, maadaama dalka nidaamkiisa Cafimaad uu burbursan yahay, islamarkaana uusan xamili Karin Isbitaalka Martini hadii hal milyan oo qof hal mar uu ku dhaco Covid-19.

Maxaa ku dhacay Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dabooli waysay baahida daawo iyo mida qalab, ee Martiini, oo ah halka Isbitaal ee la dhigo dadka uu soo rito Covid-19, waxaan inta lagu shaqeynayay ay ka yimaadeen ganacsato iyo dad is-xilqaamay oo deeqo gaarsiiyay iyo dhaqaatiir si mutadawacnimo u shaqeynaya.

Waxaan la ogeyn halka ay ku baxdo miisaaniyadd Wasaaradda la siiyo ee loogu tala-galay la dagaalanka Covid-19, waxaana sii ibaxay in lacagta dano gaar ah loo isticmaalay iyadoo taasi loo xiray dhowr sarkaal.

Macluumaad KON heshay waxay muujinaysaa inay jirtay Miisaaniyadda dheeri ah oo gaaraysa $ 30.9M oo loo qoondeeyay Wasaaradda Caafimaadka, taasoo $ 4.7M kamid ah la lunsaday, loona qoray hay’adihii bixiyay lacagta inay ku baxday khidmadaha la talinta, qalab xafiiseed, cilad-bixinta gaadiid iyo safarada.

Covid-19 markii dhinaca kale laga eego dad badan buu mashruuc u noqday, oo ka sameynaya dhaqaale fara badan, waxaana Xukuumadda Khayre ku maqan $5 million oo ka timid WHO iyo deeq bixiyaasha.

Su’aalaha aan wali laga jawaabin ayaa ah, hadii Isbitaalka Martiini Oxygen-ta dadka lagu xiro saacadii laga qaado $30, islamarkaana aan lahayn sariiro badan oo dadka la seexiyo, halkee lagu bixiyaa dhaqaalaha dowladda ugu deeqaan hay’adaha caalamiga iyo ganacsatada.?

Baahida ugu way ee lagu badbaadin karo dadka waa Oxygen ku filay in loo helo Isbitaallada, la xiro duulimaadka iyo goobaha waxbarashadda, islamarkaana la xidido isku imaatinka bulshadda, laguna dhaqmo talooyinka dhaqaatiirta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.