“Dooni meyno Farmaajo”

Warbixin Keydmedia Online

Xaaladda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa aad u kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka billowdaan dagaallo xooggan, kadib Kacdoon shacab oo maanta ka dhacay Magaalada, waa Warbixinta Keydmedia Online. 

“Dooni meyno Farmaajo”

"Dooni meyno Farmaajo"

Kumanaan qof oo wata boorar ay ku qoran yihiin "Ma doonayno doorasho lagu shubto, oo sababta barakac" iyo erayo kale oo ay kamid yihiin "dooni meyno Farmaajo" ayaa maanta ku banaanbaxay Caasimadda. 

Magaalada Muqdisho ayaa aad u qasan maanta, waxaana billowday bannaan-baxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo iyo nidaamkiisa. Dad weyne careysan oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu soo baxay waddooyinka laba dagmo oo kamida kuwa Gobolka Benaadir.

Bannaanbaxa yaasha ayaa ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin “Doorasho barakac sababta dooni meyno! Dooni meyno kaligiis taliye! iyo erayo kale”. Bannaanbaxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho waa kii ugu horreeyay ee gilgilay magaalada tan iyo in muddo ah, dowladda Farmaajo ayaa dulqaad u yeelan weysay bannaan-baxayaasha.

Isku soo baxa oo ka billowday degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa laga cabsi qabaa inuu ku faafo degmooyinka kale ee Gobolka Benaadir. Waxaana goobaha uu bannaan-baxa ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah kuwaasoo bannaan-baxayaasha ku kala eryay Xabado. Rag ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo hubeysan ayaa dhinaca kale kasoo jeestay, iyagoo la saftay shacabka dareenkooda soo bandhigayay ee maanta isugu soo baxay Muqdisho.

Caasimadda ayaa qarka u saaran dagaal inuu ka qarxo, iyadoo ay wadooyinka saakay lasoo dhigay Ciidamo iska soo horjeeda, kuwa mucaaradka iyo dowladda, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegay rasaas goos goos ah.

{facebook}

Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa lagu soo daadiyay ciidamada loo yaqaan Haramcad ka kuwaasoo sida la sheegay ka hor tagaya isku soo baxyo laga cabsi qabay in ay halkaa ka billaabaan dad shacaba oo qeyb ka ah kuwa maanta dareenkooda soo bandhigayay.

Carro dadweyne ayaa ka dhalatay tallaabada uu Farmaajo uu ku xiray jidadka, oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka kala duwan. Sida Keydmedia Online ay ogaatay, Xukuumadda ayaa xalay billowday in ay xirto dariiqyadda muhiimka ah, waxaana lasoo dhigay Ciidan farabadan. 

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacmey rasaasta nool ay Ciidamada dowladda ku ridayaan dadka sida nabdoon ku muujinaya dareenkooda inay kasoo horjeedaa doorasho lagu shubto oo Farmaajo dalka ka qabto.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay u muuqataa mid ku fashilantay hoggaaminta dalka, waxaana laga cabsi qabaa in ay dalka u horseedaan colaad iyo bur bur hor leh, inkastoo kooxda ku gedaaman madaxweynaha ay u tabiyaan wararka ku aaddan jecel loo qabo isaga, balse waxay ka qariyaan xaqiiqda iyo sida ay dadku uga falcelinayaan qorshayaashiisa hoggaamineed ee dalka, waxaana madaxweynaha lagu kari la’yahay dalka ku hoggaami doorasho xur iyo xalaal ah oo lamida tii aad ku soo baxday 2017.

Aqoonyahannada, wax garadka, culaama-u-diinka, siyaasiyiinta, ururrada bulshada rayidka iyo dhallinyarada ayaa si isku mida dareenkooda usoo bandhigay, waxaana madaxweynuhu uu qorsheystay in uu xilka madaxtinimada kusoo laabto mar kale ama dalka uu galo xaalad adag, sida laga dareemayo go'aannadiisa masiiriga ah ee ku aaddan dalka!

Farmaajo oo 'tanasul' ka hadlaayay Afar sanno kahor ayaa maanta dalka usii wada dariiq colaad. 

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.