Xalka Muranka Doorashada Soomaaliya

Toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii June ee sanadkan, Xaliimo Yarey, oo ah gudoomiyaha guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka [NIEC], ayaa soo bandhigtay labo ikhtiyaar oo lagu qaban karo doorasho qof-iyo-cod ah, hadii mudo 13 bilood oo dheeraad ah loogu daro xafiiskeeda.

Warbixin Keydmedia Online
Xalka Muranka Doorashada Soomaaliya

Labada nooc ee doorasho ee Xaliimo Yareey miiska soo saartay waxay kala yihiin, nooca diiwaangelinta codbixiyaha [biometric voter registration] iyo habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta [manual voter registration] isla maalinta codbixinta, iyadaoo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood, oo ka billaabanaysa marka uu dhamaado mudo xileedka dastuuriga ee Farmaajo.

Labadan hab ma ahan wax ku qoran dastuurka, oo dhigaya in 4-tii sano mar doorasho la qabto, waxaana la doonayaa in Xildhibaanada la doorto inta u dhaxaysa November 2020 iyo January 2021, kadibna Madaxweynaha bisha Febuary ee sanadka soo socdo.

Waxaa taagan muran ah u dhaxeeya Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo isku haya doorasho noocee ah ayaa la qabanayaa, mid dadban [4.5] mise qof iyo cod, iyo dood kale oo ah dib u dhigis iyo mudo korarsi.

Horaantii bishan, Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen shirkoodii Dhuusamareeb ku sheegay in dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho "qof iyo cod ah" sidaas daraadeed loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay "nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan".

Waxay doorashada dadban hadii la isku raaco ay noqon karto mid u dhaw tii 2016 ee baarlamaanka 10-aad ee hadda jooga lagu soo xulay Xildhibaanadiisa, balse la badiyay tirada dadka codeynaya.

Maxaa xal ah?

Hadii la isku afgaran waayo doorashada dadban ama mudo kordhinta oo wada-xaajood ku yimaada, maxuu ku jiraa xalka, oo Soomaaliya looga badbaadin karaa inay dib ugu noqoto halkii laga keenay?.

Hal wado ayaa furmi doonto, oo ah in lakala diro Xukuumadda [Gollaha Wasiiradda], lana dhiso dowlad midnimo-qaran [National Unity Government], oo saami ku leeyihiin mucaaradka iyo Maamullada dalka.

Waxay shaqeyn doontaa labo sano. Tani waxay xoojin kartaa kalsoonida ka dhexeysa dhinacyada ku loolamaya talada wadanka. Beesha Caalamka waa inay fursad siisaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Haddii Saaxiibadda Beesha Caalamka hal dhinac ay taageerto, oo ogolaato in mudada xilheynta loo kordhiyo maamulka Farmaajo oo 5 bil u hartay, waxaa laga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara.

Soomaaliya kama dhicin codbxin dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan.

Xafiiska Muqdisho ee KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.