Xeerka Saxaafadda oo Warbaahinta Xorta iyo Wariyaha lagu aamusinayo

Warbixin Keydmedia Online

Ururada u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Saxaafadda ayaa si weyn u dhalliilsan qodobo ka mid ah sharcga cusub ee Saxaafadda, kaasoo Madaxweyne Farmaajo uu saxiixay kadib 8 bilood oo xafiiskiisa yaallay.

Xeerka Saxaafadda oo Warbaahinta Xorta iyo Wariyaha lagu aamusinayo

Saxiixa Xeerkan waxay dowladda kusoo beegtay xili doorasho kusoo wajahan tahay Soomaaliya, taasoo warbaahinta muhiim u tahay tebinteeda, si shacabka u helaan xogta ku saabsan waxa ka dhacaya dalka.

Keydmedia Online ayaa idiin soo bandhigeyso qodobada aadka loo dhaliisan yahay oo lid ku ah xoriyadda Warbaahinta, wariyaha lagu aamusinayo

Qodobada aadka loo dhaliilsan yahay waxaa kamid ah:

Dhismaha Gollaha Saxaafadda Soomaaliya [Somali Press Council], 9 xubnood oo loo qeybiyay 3 ka imaanaysa Warbaahinta Madaxa-banaan, 3 Warbaahinta Dowladda iyo 3 Ururada Bulshadda.

Magacaabista iyo wadista shaqada Guddiga waxaa iska leh Wasaaradda Warfaafinta, taasoo su’aal laga keenay madax-banaanida Gollahan, oo u muuqda inuu dowladda danaheeda gaarka ah u adeegi doono.

Qodobka 18-aad: In Wariyaha iska diiwaan-geliyo Gollaha Saxaafadda, iyadoo aqoonsi [ID] siinayso Wasaaradda Warfaafinta, taasoo khatar gelinaysa amniga suxufiga ku shaqeynaya duruufaha dalka.

Qodobka 3-aad: In Warbaahinta madaxa-banaan wararkooda lagu sameynayo faaf-reeb, hadii loo arko inay tebinayso warar xasaasi ah, oo taabanaya xaqiiqda dhulak taalla.

Qodobka 11-aad: Shuruudda milkiilayaasha warbaahinta furanaya ee iska-diiwaan-gelinaya waxaa looga baahan yahay inuu shaaciyo qaddarka lacagta uu ku maalgelinayo, isha ay ka soo gasho lacagaha, halka uu degan yahay iyo aqoonsiga maamulayaasha ayaa shardi u ah dalbashada diiwaangelinta.

Qodobka 9-aad: Warbaahinta kasta, wargeys, madbacad iyo shirkadaha xayeesiinta kahor inta aan la furin, waxaa looga baahan yahay inay lacag dabaaji ah dhigto akoon uu leeyahay Gollaha Saxaafadda.

Qodobka 13-aad: Xarun kasta oo warbaahineed waxaa laga doonayaa inay ruqsad kusoo dalbadaan mudo 60 cisho, taasoo cabsi wayn gelinaysa warbaahinta madax-banaan, oo qaar la doonayo in la xiro.

Qodobka 29-aad: Wuxuu soo jeedinaya in suxufiga lagu soo rogo ciqaabo culus oo la xiriirtaa "faafinta ama daabacaadda macluumaadka beenta ah", "kicinta" ama "faafinta dacaayad ka dhan ah sharafta muwaadinka, shaqsi, hay'ad ama dowladda'.

Isla Qodobkaan ayaa ku xadgudbaya xuquuqda wariyaha, iyadoo laga doonayo inuu sheego isha uu warka ama xogta uu gudbinayo ka helay, waana arin kale oo lidi ku ah xorriyadda hadalka Soomaaliya iyo in ay u gutaan sufuxiyiinta waajibaadkooda 'wargelinta dadweynaha'.

Keydmedia Online ayaa qabta in sharcigaan uu lid ku yahay xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, iyadoo lagu soo beegay ansixintiisa xili indhaha ay kusoo jeedaan Villa Soomaaliya, oo Madaxweynaha laga sugayay magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Suxufiyiinta ayaa ku shaqeynaya Cadaadis iyo Weeraro lala beegsado, iyadoo dowladda hadda meel-marisay xeer cusub oo lagu caiqaabayo wariyihii sheega war aan raali-gelinaynin Maamulka Farmaajo, oo waqtigiisa sii dhamaanayo.

Waxaa nasiib darro lagu tilmaamay in suxufiyiinta ay si joogto ah la kulmaan hanjabaado iyadoo dalka u diyaar garoobeyso doorashada guud, islamarkaana saxaafad xor ah ay tahay habka keliya ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.