Axmed Ciise Cawad

Wajiga Musuq-Maasuqa!

Warbixin Keydmedia Online

Xil ka qaadista Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya waxaa la aaminsan yahay in ay soo daahday, xilligii loo baahnaa inkastoo aysan ku imaan, haddana Cawad mar hore ayey ahayd in xilka laga xayuubiyo. 

Wajiga Musuq-Maasuqa!

Axmed Ciise Cawad oo dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland waxaa xilkan uu kala wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar, waxa uu kamid ahaa saaxiibada ku dhaw-dhaw Madaxweyne Farmaajo, raacii hore ee magacaabidda xukuumaddii Xasan Cali Khayre markii uu ka haray, waxaa loo qorsheeyay in uu raaca labaad ka noqdo xubin firfircoon.

Wasiiradii arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Juxa ayaa xilalkii laga qaaday, waxaana lagu soo baddalay Sabriye iyo Cawad horraantii January 2018. Ra’iisulwasaarihii xilligaas talada hayay iyo Wasiir Cawad xiriir wanaagsan kama dhaxeyn, balse waxaa isku tolayay oo in ay wada shaqeeyaan ku qasbayay labada dhinacba Madaxweyne Farmaajo oo ilaalinayay saaxiibtinimada kala dhaxeysay Cawad.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu soo eedeeyay fal musuq maasuq ah, waxayna noqotay wasaaraddii ugu horreysay ee xatooyo xoolo dadweyne lagu soo eedeeyay, Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku sigtay in loo xiro fal musuq maasuq la xiriira, wuxuuna kaga badbaaday gaari aan xabaddu karin ee uu isku soo xiray, kaasoo yiilay gudaha wasaaradda.

Kiiskan musuqa la xiriira ayaa soo ifbaxay wax yar uun kaddib markii uu xilka la wareegay wasiir Cawad, waxa uu salka ku hayay dhaqaale si xun loo maamulay iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiir ku xigeenka uu ahaa qofka kiiskan ugu weynaa ee loo haysto, maadaama uu ahaa qofka ku sugan xarunta Wasaaradda oo maamulka gacanta ku hayey.

Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad ayaa ka hor yimid baaritaan ay waday hay’adda Hanti dhowrka guud oo xafiisyada maamulka calaamado ku dhejisay, taasoo caddeyneysa in baaritaan socdo oo aan la furi karin khasnadaha iyo xafiisyada baaritaanku ka socdo, balse wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu jebiyay amarkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku dooday inuu ku shaqenayay amarka Wasiirka Arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, isla markaana aanu wax u gaara isagu ku dhaqaaqin, taasoo kiiskan lugaha u soo gelisay wasiirka, islamarkaana caddeyn buuxda u noqotay in uu ahaa Aas-aasaha iyo barbaarshaha musuqa wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa war kasoo saartay falkii lagula kacay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo tallaabada ay qaadeen Hanti dhowrka iyo xafiiska Xeer ilaaliyaha. Waxay si cad u muujiyeen in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ay u dhan yihiin kiiska la xiriira Musuqa.

Axmed Ciise Cawad oo lagu tilmaamay shakhsi musuq maasuq badan wuxuu dhalinyaro ka badan 30 oo isugu jira gabdho & wiilal ay isku beel yihiin u magacabay Diblumaasiiyin iney ka noqdaan Safaradaha Soomaaliya ay ku leedahay waddamo dhowra, kadib markii ay dhacday xukuumadii uu katirsanaa maadama ay waayeen kalsoonida golaha shacabka BJFS. 

Wasiir Cawad ayaa taariikhda magacaabidda ka dhigay mid hore, si aan loogu qabsan maadaama uu yahay ku sime wasiir, waxa uu ku beer laxawsanaya dadkiisa in uu musharax yahay doorashada soo socota ee Puntland oo uu rajo ka qabo in uu Madaxweyne ka noqdo Puntland.

Sharciyan waxaa qalad ah Xukuumad dhacday wasiir katirsan in uu sameeyo Magacabis & xilka qaadis, sido kale nidaamka dowliga waxa aan waafaqsaneen in Hantida Qaranka uu maamulo masuul waqtigiisa dhacay, waxayna ahayd waqtigii ugu badneyd ee uu lunsado lacago intii uu ahaa ku simaha wasaaradda, maadaama uu saadaalinayay in uusan soo laaban doonin.

Cawad waa nin ku caan baxay Musuq-Maasuq, Qabyaalad iyo eex aan geed loogu gaban, sidoo kale wuxuu ka caada dhigtay laaluushka & tahriibinta dadka si uu u sameeyo Lacag badan mudada uu xilka hayay.

Inkastoo Cawad uu kamid ahaa saaxiibada Farmaajo, haddana waxa uu galay bad ka weyn, iyo xiriirka saaxiibtinimo ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed kala dhaxeeya oo uu mugdi galin gaaaray kaddib markii uu caddeeyay ra’yigiisa ku cabiray xaaladda cakiran ee ka aloosan dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ii yeeray waxa uuna ii sheegay in uu xilkii iga qaaday, anigana waxaan uga mahad celiyay wada shaqeyntii soo billaabay 3/January/2018” sidaas ayuu yiri Cawad oo u warramayay idaacadda BBC -da.

KEYDMEDIA ayaa waxay qorsheyneysaa in ay soo bandhigto caddeymo muujinaya musuqa uu ku kacay Axmed Ciise Cawad wasiirkii la casilay, intii uu maamulayay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.