Barnaamij gaar ah

XILKASKII LA XASUUQAY

Soomaaliya waxay maanta dib u xasuusanaysaa maalin madow oo ay ku waysay dad qaali ah, oo dalka indho u ahaa iyo ubax soo baxayay oo si arxad darro ah loogu xasuuqey mid kamid ah qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu horeeyay ee ka dhaca Muqdisho.

Warbixin Keydmedia Online
XILKASKII LA XASUUQAY

Maanta oo kale Labo iyo tobon Sano ka hor 3-dii bishii December sanadkii 2009 waxaa ka dhacay hotel shaamo qarax ilaa hadda dadka quluubtooda ka tirmin, kaasoo noqday dhacdooyinka dalka soo maray midii ugu xanuunka badneyn.

Waxaa mar qura Munaasbad Farxad qalin-jebin ahayd lagu afjaray dhimasho iyo dhaawac.

Waxay ahayd maalintaas madow maalin khamiis ah, xili subax ah, oo ka socotay Xaflad qalin jabin ah hoolka shirarka hotel Shaamow, oo loo dhigayay arday ka ka aflaxdey Jaamacadda Banaadir.

Waxaa goo goobjoog ahaa Arday, Waaliidiin, dhaqaatiir, macalimiin, Wasiiro qaranka u shaqeynayay, wariyayaal iyo marti Sharaf kale. Dareenkuna mid farxadeed buu ahaa billowgii balse geba-gebadiisa ma ahayd mid qurxoon, oo sidii la filayay ku dhamaadey.

Keydmedia Online oo loo Aas-aasay sare u qaadida Codka kuwa aan codka lahayn, iyo dhibanayaasha argagaxisada, ayaa warbixinta ugu tala-gashay dib u xusuusinta akhristiyaasheeda dadkii qiimaha badnaa ee lagu dilay, laguna dhaawacay qaraxii hotel Shaamow oo manta 12 sano kasoo wareegatay.

Waxaa goobta ka dhacay waxay ahayd arin lama filaan ah.

Qaraxa is-miidaamin ah waxaa fuliyay nin soo xirtay dharka dumarka, kaasoo kasoo dhex baxay dadka goobta fadhiyay, isagoo usoo tallaabey qeybta minbarka ee ay ka socdeen khudbadaha madaxda dowladda, mas’uuliyiinta Jaamacadda iyo marti-sharafta kale.

Xiliga qaraxa waxaa socotay khudbad uu jeedinayay Dr Dufle, oo kamid ah aas-aasiyaasha Jaamacadda Banaadir, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyeen madax kala duwan oo intooda badan goobta ku dhintay.

Dhacdadaas murugada lahayd waxay galaaftay nolasha 25 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen 60 kale oo isugu jiray dhaqaatiir, Aqoonyahano, Wariyayaal, Arday iyo wasiiro ka tirsanaa dowladdii KMG ahay ee Sheekh Shariif oo goobta u tagay in dhaqaatiirta da’da yar ee qalin jabisay ay la wadaagaan farxadda.

Saddex wasiir oo kala ahaa Axmed C/llaahi Waayeel, wasiirkii waxbarashadda, Qamar Aadan Cali, Wasiirkii Caafimaadka iyo Ibraahim Xasan Caddow, wasiirkii Tacliinta sare iyo saddex wariye ayaa kamid ahaa dadkii weerarka ku dhintay.

Ninka is qarxiyay waxuu ahaa 23 jir, Soomaali ka yimid Denmark kaasooo maalmo kahor sii kireystay qol kamid ah hotel-ka, halkaasoo uu ogaa inay xafladda ka dhacayso oo madax dowladda katirsan ay kasoo qeybgalayaan. Cidna ma sheegin wali weerarkii hotel Shaamo, balse Sheekh Shariif oo xiligaas dalka Madaxweyne ka ahaa ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab.

Waxaa lala yaabey in aanay laamaha Ammaanka ee dowlada ay heli waayeen xogta qarax lagu diyaariyay gudaha hotel ay madax kala duwan iyo Xildhibaano degan yihiin, sidoo kale ay ka dhacaysay xafladda wasiiro ka qeybgalayeen.

Marka la eego qaabkii uu qaraxaasi u abaabulnaa, waxaa soo baxay tuhuno ah in shaqsiyaad caan ah ay qaraxaasi wax ka ogaayeen, waxaana loo maleynayaa in dadkii falkaasi fuliyay ay ahaayeen kuwa diidan horumarka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta gaar ahaan Muqdisho oo mudo xasuuq ku socdo.

Waa xaqiiq in si siman looga wada uurxumaaday dhibatada dhacday, balse waxaa xusid mudan in wasiiradii dowladda ee goobta ku dhintay ay ahaayeen kuwii ugu dhaq dhaqaaqa roonaa ee ay ku jirtay wadaniyada iyo dowlad jaceylka, sida Ibraahim Xassan Caddow oo iminka Arday uu deeq waxbarasho siiyay ay ku suganyihiin Dalal kala duwan, Axmed C/llaahi Waayeel oo ka mid ahaa aas-aasayaashii waxbarashada nidaamiga ah ee Soomaaliya, Qamar Aadan Cali oo aheyd Dhaqtarad mar walba u taagneed badbaadinta bulshada.

Intii dhimatay dharaartaas rabbi naxariistii Janno haka waraabiyo, waxaana iminka iyagoo caafimaad qaba ku nool dalka iyo qeyba ka mid ah Dalalka dariska ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo qaar xubnahooda qaaliga ah ay ku waayeen.

Inkastoo Soomaalida meel walba oo ay joogta si weyn uga xanuunsatay dhacdaasi, ayaa hadana waxaa xusid mudan in Haweenku ay ahaayeen kuwii ugu uurka nuglaa ee dhacdadaasi ka madax gilgilay iyadoona dibad baxyo, ka dhigay wadooyinka Muqdisho maalin kadib xiligii ay dhacday dhacdadada uur ku taalada dhalisay.

Ururka Haweenka Nabadda iyo dib u heshiisiinta Hanad ayaa qeyb ka ahaa haweenkii arinkaasi ka dhiidhiyay, waxaana Muqdisho kula kulanay gudoomiyaha ururkaasi Ruqiya Cali Cabdi oo aan wax ka weydiinay dareenka Haweenka ee dhacdadaasi.

“Waxaan aad uga xanuunsanayaa in aan xusuusto maalinkaas wixii dhacay, waayo fal murug iyo uur ku taalo huwan ayuu ahaa falkaasi” sidaa waxaa tiri Ruqiya cali cabdi.

ENG-Siidow Xasan Mahdi oo ah gudoomiyaha Hey’adda Xuquuada Aadanah ee Walaweyn ayaan wax ka weydiinay ogaalka ay xaquuqul insaanka ee la xiriira sanad kadib dhacdadaasi .

“Xaqiiqan wax badan lagama ogaan, laakiin waxaa suurta gal ah in sanadaha soo socda la helo xog dhab ah, waayo baaritaanka kiis waa mid culeyskiisa leh, hadana wixii ka dhacay Shaamow waxay ahaayeen wax aan caadi aheyn” sidaa waxaa yiri Eng Siidow.

Sida Alle uu ku sheegay Qur’aankiisa naf walbaa mowdka way dhadhamineysaa, saacadna loogama darayo nafna xiligii uu alle ugu tala galay, waxaa xusid mudan in dhacdadaasi layaabka laheyd  dadkii goobjooga ka ahaa qaarkood oo wararkii ugu horeeyay ee la helay ay tilmaamayaan in ay dhinteen ay maanta noolyihiin.

Dr Cismaan Max’ud Dufle xiligii qaraxa uu dhacayay waxa uu saarnaa Masraxa, isagoona markaasi waday qubadii loogu talagalay, iyadoona codbaahiyaha xiligaasi Dr-ka uu ku wareejiyay Alle ha u naxariistee Dr-Max’ed Aadan Warsame Shahiid oo ka mid ahaa dadkii goobta ku dhintay.

Dr. Dufle waxaan kula kulanay magaalada Muqdisho, isala markaana waxaan wax ka weydiinay xusuustiisi maalinkaas ee la xiriirtay Waxa dhacay.

“Duulaankii maskaxda, ayaan ku sifeyn karaa wixii ka dhacay Hotel Shaamow, waayo ma aheyn wax caadi ah, waxaa dhintay arday, dhaqaatiir, macalimiin, waalidiin, iyo marti sharaf kale, ma ahan waxaan aragnay 20-kii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Dr Dufle.

Pro Max’ed Cumar Dalxa, waxa uu ahaa xiligii ay dhacadaasi dhaceysay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dowladda KMG ah, waxaana uu ku suganaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaan su’aalnay aragti ahaan sifaha uu siin lahaa wixii maalinkaasi dhacay.

“Waxaan ku fasiri lahaa Ayaamul Busi, ama maalin baas waayo waxaa la xasuuqay dadkii howlkarka ahaa ee shaqada iyo wadaniyada ay daacadda ka aheyn, ilaahay nooma soo celiyo maalinkaas oo kale” ayuu yiri Dalxa.

Sanad kadib qaraxii shaamow ee Ardayda Qalinjabineysay, wali ma hakan howlihii waxbarashada ee Jaamacadda banaadir, waxaana iminka ay jaamacadda ku talaabsatay horumar Balaaran iyadoona macalimiinta  iyo maamulka Jaamacadda ay dhexda u xirteen ka mira dhalinta hankooda.

Waxaa ka aflaxay Jaamacadda Baandir oo shahaadada Bachlore-ka ka qaatay sanad kadib dhacadadaasi arday guud ahaan tiradooda ay gaareyso 78 Arday, kuwaa ka kala ahaa ah 38 Dhaqtar, 5 Injineer oo dhinaca dhismaha ah, 15 Macalin iyo 20 kuliyadda Computer Science-ka.

Waxaana sidoo kale Jaamacadda lagu soo kordhiyay kuliyad cusub taasoo ah sharciga iyo qanuunka, sidoo kale waxaa la dhameestiray oo lagu howl bilaabay dhimso ay jaamacdda leedahay kaasoo howshiisa horay ay u socotay.

Dadka ku nool Muqdisho waxaa lagu tilmaamaa bulsho adkaysi badan, oo u dhabar adeygaya xaaladaha kala duwan ee ka jira magaaladda, oo aysan marna u joogsan nolol maalmeedkooda.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.