Xog Sirdoon:

Weeraro argagaxiso oo kusoo wajahan Muqdisho

Sida ku cad xogo Sirdoon oo ay heshay Keymedia Online, Al-Shabaab ayaa qorsheynaysa inay weerar argagaxiso oo ku qaadayso xaruumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho.

Warbixin Keydmedia Online
Weeraro argagaxiso oo kusoo wajahan Muqdisho

Bartilmaameedka ayaa ah Huteello ay kamid yihiin huteeladda Maa’ida iyo Naasa-Hablood 2, CID-da, wadadda Maka Al-mukarama, xaruumaha laga bixiyo baasaboorada ee Immigration-ka, baraha Koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyadda Vila Soomaaliya, xerada tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye  iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Weeradda ayaa waxay Al-Shabaab qaarkood ku diyaarisay gudaha Muqdisho, waxayna isagu jiraan baabuur qaraxyo lagu soo xiray iyo kuwa ay fulin doonaan Is-miidaamiyaal.

Hay’adaha amniga dowladda ayaa ka warqaba weeraradan, balse lama oga inay ka hortagi doonaan iyo in kale, laakiin waxaa la adkeeyay hadda amaanka Garoonka diyaaradaha iyo Xalane oo ay degan yihiin Safaaradaha reer galbeed, UN-ka iyo AMISOM.

Dadka shacabka ah ayaa looga digayaa inay ku dhawaadaan meelaha bartilmeedka u ah weerarada Al-Shabaab, oo aan la ogeyn waqtiga ay dhacayaan, balse xili kasta la filan karo.

Digniinta amni ma ahan mid si guud loo faafiyay laakiin waxaa la siiyay Shaqaalaha Xarumahaas u shaqeeya oo looga digay in aysan tagin Xarumaha qatartu ku wajhantahay.

Tiro dhowr jeer ah ayey Al-shabaab weerartay Garoonka Diyaaradaha, Jeneraal Kaahiye, Naasa-Hablood 2 iyo Xerada Xalane, iyadoo jidka Makka Al-Mukarama noqday meel ay inta badan ka dhacaan qaraxyada baabuurta.

Sidoo kale, Huteellada ku yaalla Caasimadda ayaa marti galiyay weerarro Al-shabaab ay ku qaadeen oo ismiidaamin iyo weeraro toos ah isugu jiray oo mas’uuliyiin badan.

Dad shacab ah iyo Saraaakiil Doowladeed ayaa ku dhintay weeradddi Al-shabaab ay horay uga geysteen goobha digniintu ku wajahantahay.

Bisha lasoo dhafay illaa bishan Sebtember Magaladda Muqdisho waxaa ruxay Qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo ka dhacay Goobo si aad ah loo laaliyo gaar ahaan Meel u dhow Xarunta Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Iridda laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Elite hotel oo xeebta Liido ku yaalla.

Hay’adaha amaanka ayaa ayaa lagu eedeeyay fashil dhinac amniga Caasimadda, taasoo sabab looga dhigay in Booliska iyo NISA si aad ah u dhexgaleen xubno Al-Shabaab, oo qaarkood xilal sare loo dhiibay.

NISA ayaa gacanta u gashay Al-Shabaab iyo Qatar markii Fahad Yaasiin hogaankeeda loo dhiibay 2018, waxaana socda qorshooyin dalka loogu gacan gelinayo argagaxisadda.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.