Xukun jaceylka Farmaajo

Warbixin Keydmedia Online

Xukun Jaceyl been, khiyaano iyo balanqaadyo aan dhaamaaneyn, afar sanno Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Hadaba, waa kuma Shakhsiga loogu yeero Farmaajo? Keydmedia Online waxay isku dayeysaa inay kula wadaagto waxyaaba badan oo aadan ka aqoon Shakhsiyadda Farmaajo, barnaamijkaan iyo kuwa soo socda. 

Xukun jaceylka Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, 2 Sano kaddib markii uu dalka Xornimada qaatay, kuna beegan 1962 -kii. Waxbarashada aas-aasiga iyo midda sare waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Farmaajo waxa uu kamid noqday dhallinyaro ay isku heyb ahaayeen madaxweynihii hore ee Keligii-taliyaha ahaa Maxamed Siyaad Barre, kuwaasoo loo diray dalka dibaddiisa si ay wax barasho tayo leh uhelaan, dibna ugu soo laabtaan oo ay difaacaan, sidoo kalena dalalka iyo goobaha ay waxbarashada u aadaan ee waddamada shisheeyaha ay gaarsiiyaan ammaanta Siyaad Barre iyo Kacaankii uu hoggaaminayay.

Isagoo ku jira Jaamacadda ayuu billowday dagaalkii Sokeeye 1991, kadibna wuxuu iska dhiibay isla Mareykanka oo markii hore waxbarasho loo geeyay, oo magan-gelyo ka helay.

Farmaajo wuxuu bartay xirfado ay kamid yihiin Xallinta Khilaafaadka iyo Hoggaaminta taasoo uu ka bartay Kuleej ku yaal New York, USA. Shahaadada darajada 2-aad wuxuu ku diyaariyay Cilmiga Siyaasadda. Intii aysan dhicin dowladdii Siyaad Barre waxaa laga shaqaaleysiiyay Farmaajo Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Mareykanka oo laga dhigay xighayaha kowaad kahor inta xukunka laga tuurin Siyaad Barre.

Xirfadahaas ugu qoran taariikhdiisa ee lagu baahiyay Internet -ka uma eka qof bartay, dhaqankeedana maba lahan, waa nin aad u jecel xukunka, wuxuu aaminsan yahay xoog iyo xeelad inta la isku daro in laga guuleysan karo dadka kasoo horjeeda, ma yaqaan in uu wax la haro, haddii uu dagaal la galo qof ay siyaasadda ku kala aragti duwan yihiin wuxuu isugu daraa wixii uu awoodo, isagoo ka billaabaya sumcad dil qofka lagu sameenayo iyadoo la adeegsanayo dad kale, lacagana lagu bixinayo sidii qofkaas marka hore sharaftiisa loo dhaawici lahaa, marka xigtana wuxuu weerar qaawan ku qaadaa qofka isagoo adeegsanaya ciidan (Shirqool)!

Nin dhallinyaro ah oo kula noolaa waddanka Mareykanka gaar ahaan magaalada Buffalo ayaa yiri sidan “Maalintii xukunka sida xarragada leh loogu wareejiyay baan qoray maqaal cinwaakiisu ahaa {Farmaajihii laga fujin waayay Community leader (Guddoomiye Jaaliyad) ee Bafalo, yaa ka fujin doonna madexweyne Soomaaliyeed}

2005-tii magaalada Bafalo,  gobalka New York ee dalka Maraykanka. waxay Soomaalidu ku lahayd Community yar oo dawladda hoose ee magaalada ka diiwaan gashan, waxaana markii hore loo doortay inuu Farmaajo noqdo guddoomiyahooda. Markii waqtigii loo cayimay uu ka dhammaaday ayaa doorasho la galay waana laga guulaystay, deedna si kasta inta la yeelay baa laga waayay kaalay wareeji xafiiska, ilaa maxkamad la isla tagay oo khasab looga qaaday guddoomiyihii jaaliyadda!

Sidoo kale, Farmaajo ayaa diiday inuu is-casilo kadib markii uu ku fashilmay Xukuumaddii uu lixda bilood Ra’iisul Wasaare u ahaa intii u dhaxaysay Nov. 2010 ilaa June 2011, illaa si qasab ah AMISOM uga qaadey, oo askar Yagaandhees ah xafiiskiisa ugu galaan.

Qof kasta waxay aragtay dhaqanka uu leeyahay Farmaajo ee xukun jaceylka ku dhisan “Dhaqamada lagu yaqaan Keligii-taliyaha waxaa kamida inuu ku yimaado Doorasho dimuqraadi ah, waxa ugu horreeya ee uu la dirirana waa Dimiqraadiyadda ee uu ku bixiyaa waqti sidii uu utir-tiri lahaa, tusaale Musaliini iyo Hitler” Xildhibaan Odowaa oo ka hadlayay dhaqanka Farmaajo ayaa sidaa ka yiri xaflad loogu baroor-diiqayay 6 Askari oo lagu dilay xarunta Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sanad guuradii saddexaad ee kasoo wareegatay markii kabahooda lagu aasay, falkaasina waxa uu ahaa mid uu amray Madaxweyne Farmaajo.

Xukun Jaceylka, beenta iyo khiyaanada Madaxweyne Farmaajo intuba waa wax aan qarsooneyn, isagoo la hadlayay ciidamo ku sugan Jiidda hore ee dagaalka Al-Shabaab lagula jiro ayuu ku yiri “Anigu afar sano oo dambe shaqadayda ma ahan, afartan sano ayaa xilka la ii dhiibtay iyada ayaana igu filan!” Maantana waxaa laga kari la’yahay kaalay doorasho xor iyo xalaal ah qabo. Haddii aad guuleysato iyo haddii lagaa guuleystana waa isku mid, kursi aad shalay tartan ugashay oo aad ku guuleysatay in maanta lagaaga adkaado dhibaato kuma jirto.

Astaamaha lagu yaqaanoo kali-taliska waa inuu burburayaa hanaankii dimuqraadiyadda isaga lagu soo doortay, awood-aruursi, sawaridiisa oo waddooyinka Muqdisho lagu dhejiyay, aasaaska xoogagga waddaniyiinta, meesha ka saaridda awooddii Barlamaanka, tii Aqalka Sare, iyo axsaabta siyaasadeed.

Waxay arrimahan uu la yimid Farmaajo markii uu kursiga ku fariistay u laabanayaan koritaankiisa iyo hanqaadkiisa siyaasadeed oo soo billowday xilligii dowladdii kacaanka.

Xukun Jeclaa ma Keligii-Taliyihii ay magac iyo ehel wadaagga ahaayeen ee Af-weyne lagu neynaasi jiray buu kaga daydaa maamulka iyo hoggaaminta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.