Xasan Cali Khayre

Qabqable aan Khayr lahayn

Falanqeyn Keydmedia Online

“Marka awooddu gacanta u gasho dad aan ehel u ahayn, filo qiyaamaha”, waa macnaha mid ka mid ah xaddiisyada uu saxaabigi weynaa Aba-Hurayra (RC), uu ka wariyey Suubanaheenna Muxamed (NNKH), wuxuuna xaddiisku muujinayaa in astaamaha lagu karto qiyaamaha uu qeyb ka yahay xilliga uu hoggaamiyaha xun hor-kaco umadda.

Qabqable aan Khayr lahayn

Tan iyo abuuritaankii aadamaha hoggaamintu waxay ay ahayd door muhiim ah oo baahi badan loo qabay, Soomaalideennuna waa bulshada ugu daran ee muddada ugu dheer baadi goobeysa hoggaan-san iyo hayaashe rasmi ah, oo ka dul qaada baylahda iyo busaaradda badday baahida badan.

Degaannada dalka, waxaa xilligaan ugu daran oo diihaalka gaajada iyo daranyada diifta leh dul hoganayaan waa dhulka Alle makanayay beelaha Hawiye ee baaxadda leh, kuwaas oo oo ku dhawaad (1,000-kii sano) ee la soo dhaafay taminayay, hoggaamiye ku suntan mabda’ adag iyo aragtida togan oo aaminaad, run iyo daacadnimo kulansaday,- lamase-hayo.

Qoraalkaan, waxaan uga hadleynaa mid ka mid ah siyaasiyiinta beelaha Hawiye, kaas oo  saddex sano iyo bar tijaabo guuldareysaytay ah kadib, mar kale doonaya inuu ku fariisto kursi sayaasadeedka ugu sarreeya matalaadda beesha iyo Soomaali oo dhan.

Shaqsigan, waa RW Xasan Cali Kheyre, kaas oo 1 March 2017, helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya, ka hor inta aan la raacdeyn 25 July 2020, taas oo ka dhigan inuu 1243 maalin, ama 177 isbuuc & 4 maalin, ama Saddex sano afar bilood iyo 25 maalmood uu ku fadhiyay kursiga siyaasadeedka xilligaas ugu sarreeyey beesha uu ka dhashay ee Hiwiye.

Hadaba, Kheyre xilligiisii ma ka soo baxay matalaaddii sarneyd iyo muuqaalkii Ra’iisul Wasaarenimo? Ma lahaa argati gaar ah oo degaankiisa la xriirta iyo mid guud oo Soomaali oo dhan ku wajahan? Ma wuxuu ahaa adeege qaran mise shaqaale qof? Ma lahaa edeb iyo akhlaaq hoggaamineed? Mase u qalmaa in mar kale xil umadeed loo dhiibo?


Shariif Sheekh Axmed: Mabda’ la’aan iyo muufeysi siyaasadeed

Tusaalooyinka hoose oo isku tagay, waxa ay muujinayaan inuu Kheyre ahaa, shaqsi ka arradan waaya-argnimo siyaasadeed, oo aan marnaba diir-nax-dadnimo, matalaad degaan, iyo maqaam Ra’iisul Wasaare, mindna lahayn, waxay caddeynayaan inuu ahaa adeege Farmaajo ee mar kalana ma idin dagi doonaa?

Kheyre, ma ahayn shaqsi laga yaqaannay saaxada siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee ka soo baxa (CURADKA) Hawiye, KARANLE, taas oo sababtay in lagu beer laxawsado markii uu xaafiiska galay. “Farmaajo ayaa wax kaa dhigay Murasdana xil-siiyay ee kaliya MW-naha danihiisa ka shaqey” ayaa dhagta loogu sheegay.

Runtii, daminkaas qolnaa Kheyre, wuu ku dhacay, oo wuxuu hilmaamay, xilka uu hayo inuu magaca Hawiye ku helay, curadkii ciddana ka dhashay, oo uusan waligiis cid gaar ah kursi u daba-fariisan, wuxuu hilmaamay inuu yahay hankoolkii ku aaddana qodxaha Farmaajaha cuqdaddu dishay ee aargoosiga u ciil-qaba.

Billowgii Maarso 2017, ayuu u maryo-xeytay, ka shaqeynta danaha Farmaajo iyo fulinta awaamiirta Fahad Yaasiin, oo gudaha iyo dibaddaba la xariiray, waxaa loo adeegsaday duullaankii siyaasadeed ee lagu qaaday dalalka saaxiibka soo jireenka ah la ahaa Soomaaliya, sida; Jabuuti, Kenya, Masar, Imaaraadka iyo Sucuudiga, si loo raalli galiyo Qatar oo Farmaajo Madaxweyne ka dhigtay.

Kheyre, wuxuu indhaha ka daawaday shacabka iyo askartii uu isagu matalayay ee labada mar ee kala duwan xasuuqa loogu geystay Bariirre, wuxuuna Wasiirkiisii Gaashaan-dhigga ee xilligaas ku amray inuu beeraleyda la xasuuqay ku tilmaamo argagixiso, isla-markaana xubno ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad oo arrinkaas ka dhiidhiyay loogu hanjabo in aysan difaaci karin.

Wuxuu gacan ka geystay gacan-galintii Itoobiya ee Cabdikariin Sheekh Muuse, (Qalbi-dhagax), oo ka mid ahaa askartii 1997-kii u istaagtay xoreyntii galbeed, ka hor gaaxixintii Waarso,  wuxuuna Ururka gobonnimo doonka ah ee ONLF ku daray liiska argagixisada, si uu u xalaaleeyo qafaalkii Galbi-dhagax.

Wuxuu ku duulay siyaasiyiin uu mutalaaddoodii hayay, sida weerarkii hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, oo ilaaladiisii kobaha lagu duugay, iyo xayiraaddii socdaalkii Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ee Hiiraan.  

Xasan Cali Kheyre, intii uu xilka hayay, waxaa Muqdisho lagu dilay dadkii ugu badanaa, mana jiro qof uu xil uga qaaday iyo cid uu kala xisaabtamay midna, hayeeshee, wuxuu dallacaad iyo darajooyin ciidan isugu daray danbiilayaal ciwaab daran mudnaa.

Wuxuu cirka geeyay canshuurta caasimadda kaliya ku eg, wuxuu dhagax ku jaray jidadkii magaalada, wuxuuna dadka ku qasbay in ay meydkooda garabaha ku qaataan hooyooyinkuna jidadka ku umulaan waddo xumo awgeed.

Kheyre, wuxuu ku duulay maamul goboleedyada, si uu hoggaan Farmaajo soo laabashadiisa ka shaqeeya u geeyo kuraasta ugu sarreysa Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Galmudug, oo degaan doorashadiisa ah, wuxuu diiday in lagu tartamo xilka madaxweynaha, wuxuu hadda ku tookhaa inuu dhisay Galmudug mideysan, hayeeshee, waa maamulka kaliya ee aan hal kursi looga tarmatin dhamaan 16 kursi ee lagu boobay xarunta Galgaduud.

Dhismo ciidan iyo la dagaallan musuqmaasuq, ayuu sidoo kale, ku faanaa, sidaas oo ay tahay ciidanka uu sheegay inuu dhisay waa kuwa isaga iyo siyaasiyiintii la socday 19 feberaayo 2021, ku toogan rabay jidka garoonka diyaaradaha, MW-nayaashi horana ku weeraray Huteel Maa’idda.

Musuqa sanad kasta dalka Soomaaliya wuxuu kaalinta 1-aad kaga jiraa waddamada hoggaankoodu ugu tuugsan yihiin adduunka, waxaana Xukuumaddii Kheyre ku maqan, ku dhawaad hal bilyan oo dollar oo wax xisaab xir ah uusan ka keenin muddadii uu xilka hayay.

Kheyre, waa qofka saddexaad ee haya xogta rasimaga ah ee dhallinyarada loo qaaday Eritrea, hayeeshee, wuxuu si buuxda u diiday inuu waalidiinta waddooyinka Muqdisho ku barooranayay kaga warbixiyo u jeedka rasmiga ah ee dhallinyarada loo qaaday.

Kheyre, oo faan iyo is jaaxooris caan ku ah, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin si cad dhawaan uga hor yimid qorshe ay xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta soo jeediyeen, kaas oo ah dhismaha Gole Qaran oo dalka ka badbaadiya boobka doorashada iyo dhaca kuraasta.

Si guud wuxuu ku fashilmay musuulidda loo dhiibay ee RW-nimo, gaar ahaan wuxuu ku tantay dhamaan xuquuqaadkii ay ahaayeen dadkiisa, wuxuuna wali diiddan yahay tallaabooyinka lagu sixi lahaa khaladaadkii uu galay.

Kheyre wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mushikadda ku ah Hawiyaha dhibban ee hoggaanka wanaagsan u baahan, kuwaas oo aan xisaabtan iyo xasuus toona lahayn, kheyre ha hor yimaado saxaafadda sida siyaasiyiinta kale, si uu uga jawaabo weydiimaha boqollaalka ah ee la qabo.

Hawiye, wuxuu sanadkaan u baahan yahay hoggaamiye fahansan tagtadii na-weydaaratay iyo tababkii kala gaddisnaa ee ay soo martay, ka taliya taaganta la joogo, isla-markaana u toog haya timaaddada.

KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.