Gen. Caydiid: Nolol & Geeri

‘RAJOCELINTII’ | Q-5AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan

Shantii juun 1993 weerarkii Raadiyow Muqdisho; codka shacabka, ee ay ku dhinteen 24 askri oo Baakistaan u dhashay, in kalana uu dhaawac ka soo gaaray, qaar kalana nolol lagu qabtay, ayaa waxaa sii deynta kuwa nolosha lagu qabtay waxaa gacan ka gaystay talyaaniga oo ka mid ahaa dalalka aan ku aragtida ahayn Maraykanka, kana biyodiidsanaa sida uu u maaraynayo hoggaanka ciidanka nabad ilaalinta e UNISOM2.

‘RAJOCELINTII’ | Q-5AAD

Dhacdadan ka dib, Robert Bigger Oakley, danjirihii Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku gooddiyey, GORGORKA -oo Gen. Caydiid uu u la jeeday-, in ay baalasha ka rifayaan! Halka Admeral Jonathon Howe, taliyiihii huwanta, uu Gen. Caydiid hoggaankii SNA madaxiisa dul-dhigay 25,000 doollar, oo abaalgud loo siindoono qofkii nolol ama geeri mid ku soo hela ama xogtiisa keena, wuxuuna ku faanay, in Gen. Caydiid uu dilidoono ama xiridoono!

Aragtida hore waa bajintii kaboweynaanta iyo isla-sarraynta Maraykanku weli dunida iyo dadka ku la dhaqmo, halka ay tan dambe muujinayso, sida ay xograadin, sirdoonnimo iyo wargoob uga marnaayeen, sidoo kalana ku tusaysa, in wixii markaa laga soo gaarayey ay shaqayn waayeen dareen gadashada Soomaalida, gaar ahaan dadkii u dhawdhawaa Gen. Caydiid iyo madaxda sare ee is-bahaysiga SNA.


Kala soco Qeybihii kale ee Qormadaan: Bogga Rajocelintii


Sidoo kale, waxay ku tusinaysaa, in ay ku socdeen xogo qaldan iyo ku-tiri-ku-teen, ay badankeen bixiyeen rag ka tirsanaa taliskii rajiimka, oo ka duulayey aragti qabiilaysan sida ay dalkaba hore ugu dhaqeen beel-beegsi. Huwantii maadaama ay wateen talooyinkaa leexsan waxay ku hantaateceen; gacmaha kor u taaga iyo waddada Afgooye aada iwm, ayna dheereed in mar walba lagu dedaalo sidii bah-dil iyo niyadjab loogu sameeyo Soomaalida, balse, aan hirgelin.

‘Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisa’ waa ta maahmaahdu tiraahe, dhankiisa Gen. Caydiid war uu tebiyey ‘codka xaq-u-dirirka’ wuxuu ku dhaartay, in uu Admiral Howe dilidoono ama dalka ka saaridoono isagoo dullaysan, wuxuu isna madaxiisa duldhigay 1 milyan oo doollar.

Dedaalladii ewelba aan daacadda laga ahayn iyo doonistii lagu rabay, in si diblomaasiyadeed wax lagu xalliyo sidaa ayey rajadoodii ku soo xirantay, oo Maraykanku dhaartii wuxuu ku daray duqeymo cirka ah, oo uu ka gaysanayo magaalda Muqdisho, isagoon ka la saarin xarumo dawladeed, goobo rayid iyo saldhigyo ciidan, oo dhab ahaan dhalisay dhimasho iyo dhaawac badan, oo Soomaalida soo gaaray.

12 june 1993, Maraykanku waxay billaabeen inay weerarro ku qaadaan meelo ay u garteen, in ay muhiim u eheed ge. Caydiid, oona socday 16 juun ilaa 17 juun, aanna lahayn ka la joogsi, qasaaraha ugu weynna uu ka soo gaaray shacab, rayid, marras, danyar iqk, oo sii xumeeyey xiriirka shacabka iyo ciidamadii shisheeye, dad badanna ku baraarujisay, in ciidamadaa ay u arkaan; cadow ku soo duulay dalka, halkaana ay ku sii helay taagero ka sii badan middii uu hore haystay Gen. Caydiid, oo dhib ku sii noqotay huwanta iyo Howe.

Meelaha qasaaraha qasaaraha badan oo gaareen waxaa ka mid ah; Ceelgaab, Sheneemo Afrika agagaarkeeda, Zoona Keey, garaashyo ku yaallay Jidka Soddonka iwm, oo dhammaan ay ku waxyeelloobeen dad aan dagaal ama dirir ku jirin, muujinaysa, sida uusan Maraykanku u ka la jeclayn kuwa la dagaalaya iyo sacabbooleydaba, ee uu is ku si u wada dilayo, isaga oo adeegsanayey hubkii markaa dunida ugu casrisanaa.

Mar walba, ciidan shisheeye marka ay galaan dal kale, wuxuu xoogga saaraa, in uu handado dadkaa, isagoo ku lammaaninaya, in uu dhaqaale ku gadasho isku dayo, haddii ay labadaa socon waayaan uu marka dambe awood iyo itaal ku muquuniyo, waana midda uu Maraykanku uu ku dhaqmay, meelo kalana uu dunida ka mid ah uu ka sameeyey.

Fisha qormada qaybaheeda kale.

Ina Cubtan - KEYDMEDIA ONLINE




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.