Aadan Madoobe oo billaabey dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Lafta-Gareen

Lafta-Gareen ayaa ku furan mowjado mucaaradka uga imaanaya, maadaama uu dhamaadey muddo-xileedkiisa, oo ku eg 28-ka bishan.

Warar Keydmedia Online
Aadan Madoobe oo billaabey dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Lafta-Gareen

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Xudur, ee xarunta gobolka Bakool gaarey Wafdi uu hogaaminayo Aadan Madoobe, oo ah Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka FS.

Waxaa socdaalka Sheekh Aadan Madoobe kusoo aadayaa xili uu dhawaan shaaciyay inuu qabanayo Shir dib-u-heshiisiin ah, oo la isagu keenayo siyaasiyiinta kala feker duwan ee Koonfur Galbeed.

Lafta-Gareen ayaa ku furan mowjado mucaaradka uga imaanaya, maadaama uu dhamaadey muddo-xileedkiisa, oo ku eg 28-ka bishan, isagoo lagu cadaadinayo inuu qabto doorashadda KG.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa kamid ah siyaasiyiinta diidan mudo-korarsiga Lafta-Gareen, isagoo wata Musharixiin uu doonayo inay hogaanka u qabtaan maamulka Koonfur Galbeed.

Saaxiibkii hore ee Farmaajo, ayaa mustaqbalkiisa ku jira hubanti la'aan, isagoo Baydhabo hadda ka billaabey dhaq-dhaqaaq uu uga hortago Dabeysha Isbedel doonka ee ka imaanaysa Muqdisho.

Koonfur Galbeed ayaa ah Maamul ay dadkiisa inta badan wajahaya Abaarta dalka ka jirta, iyadoo degaanadooda ay saaran tahay cunqabateynta Al-Shabaab, oo abuurtay sicir barar raashiinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.