Aaway balan-qaadkii Farmaajo ee fatahaada Beledweyne?

November 2019, Farmaajo ayaa booqday Beledweyne, isagoo shacabka ay saameysay fatahaadda u sameeyay balan-qaad ah inuu bixo xireenno u sameynayo webiga, si looga gortago biyaha inay magaaladda kusoo fatahaan.

Warar Keydmedia Online
Aaway balan-qaadkii Farmaajo ee fatahaada Beledweyne?

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Shacabka gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku nool Beledweyne wali waxay soo fiirinayaan Muqdisho, iyagoo ka sugaya Farmaajo balan-qaadkiisii 2019 ee ahaa inuu biyo xireen uga sameynayo webiga Shabeelle meelaha uu kasoo fataho.

Maadaama xili roobaadka Deyrta lagu jiro, waxay shacabka walaac ka qabaan markale inuu webiga kusoo fataho, maadaama uu soo buux-dhaafiyay, islamarkaana qararka uu jabsan doono hadii aan laga hortagin.

Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo ayaa looga fadhiyay inay dhisto Kiliga dhagax Jabis si uu Biyaha Magaalada uga celiyo, waxaana uu Madaxweyne Farmaajo uu ku balan-furay reer Beledweyne, oo ka niyad jabay Maamulkiisa inuu wax u qabto.

Wabiga Shabeelle ayaa sanad walba dhowr jeer fatahaad ka geystaa Beledweyne, waxaana sanadkii lasoo dhaafay ku dhintay biyaha dad badan oo caruur iyo mas'uuliyiin ay ku jiraan. dadka shacabka ah waxay u baahan yihiin gurmad dowladeed.

UN OCHA ayaa sheegtay in 214,000 ay ku barakaceen fatahaadaha Koonfurta Soomaaliya, waxaana ku dhintay dad gaaraya 35 qof, iyadoo kumanaan ay ku barakaceen.

KEYEDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.