Abiy Axmed oo Wafdi u diray Somaliland

Abiy Axmed ayaa qoraal ku qoran Af-Soomaali soo dhigay Maanta bartiisa Twitter-ka, isagoo sheegay inuu garab taagan yahay dadkii xoolahooda ku uwaayay dabka.

Warar Keydmedia Online
Abiy Axmed oo Wafdi u diray Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Wafdi ka socda dawladda Federal-ka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dalkaas, Axmed Shide ayaa Maanta gaarey magaaladda Hargeysa.

Axmed Shide iyo wafdigiisa ayaa tagey goobta Suuqa Waheen, oo xalay dabkii ka kacay uu burburiyay in ka badan 2,000 oo goob oo ganacsi, waxaana ku gubtay hanti malaayiin dollar dhan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Maanta qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay inay dowladdiisa garab taagan tahay Somaliland xiligan adag ee musiibadda ku dhacday.

Waxaannu u sheegaynaa inaannu garab taagannahay Waqtigan aad ka u adag. Waxaanu Eebbe ka rajaynaynaa inuu Khasaarahaas dheef ugu beddelo xilligan aannu ku jirno Bisha barakaysan ee Ramadaan. Eebbe ayaa inna leh, xaggiisana weynu ku-noqonayaa,' ayuu yiri Abiy.

Axmed Shide ayaa la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, oo u gudbisay fariinta uu ka wadey Abiy Axmed, waxaana isla maanta dib ugu laabtay Addis Ababa, oo markii hore kasoo duulay.

Itoobiya ayaa si dhaw u taageerta Somaliland oo kala dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid amni, waxayna Addis Ababa saami 19% ku leedahay dhaqaalaha Dekadda Berbera ee DP World maalgelisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.