Afmadow oo yeelatay gudoomiye cusub

Maamulka Axmed Madoobe ayaa xukuma Afmadow, waana degmada kaliye ee hoostagta Kismaayo, waxaana doorashadda gudoomiyaha cusub kusoo beegmaysaa xili xiisad jirto.

Warar Keydmedia Online

AFMADOW, Soomaaliya - Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta teelatay gudoomiye cusub, kadib doorasho kooban oo la qabtay, taasoo ay ku tartameen saddex musharax.

Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin), ayaa loo doortay gudoomiyaha cusub, isagoo ka guuleystay Yuusuf Xasan Xuseen iyo Maxamed Cabdullaahi Xaashi, sida uu ku dhawaaqay gudiga qabtay doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.