Maxay yihiin Qodobada la isku mari la’yahay Shirka Dhuusamareeb?

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa u arka Qodobka madaxweynaha in ay ku hoos duugantahay muddo kororsi.

Warar Keydmedia Online
Maxay yihiin Qodobada la isku mari la’yahay Shirka Dhuusamareeb?

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa tan iyo xalay ka socday kulamo gaar ah oo xal loogu raadinayo khilaafka Maamulka Puntland iyo Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Dwladda Soomaaliya oo mudo aan dhexmarin wax wada-shaqeyn ah.

Kulamo waqti badan qaatay ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Galmudug, kuwaasoo ay ka qeybgaleen dhamaan dhinacyada lagu wada inuu shirka uga furmo Dhuusamareeb. Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah ajendayaasha shirka soo socda, oo la isku mari la’yahay.

Ajendaha koowaad ee uu wato Farmaajo ayaa ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse dowladiisa loo sameeyo muddo kororsi, taasoo ay madaxda Maamul Goboleedyada oo ku adkeysanaya mowqifkoodi hore ee ahaa in laga wadahadlo qaab kale oo doorasho dadban lagu qaban karo.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu si hoose ula dhacsanyahay ajendaha Maamul Goboleedyada oo ah in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana la raadiyo xal kale.

Qodobka labaad ayaa ah in dalku aado doorasho dadban, maadaama uusan jirin diyaargarowgii loo baahnaa ee dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasoo dowladda haatan jirto ka gaabisay.

Dhinaca kale, waxaa saakay kulan wadajir ah yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada, kaasoo hordhac u ah shirweynaha Dhuusamareeb ee dhawaan furmi doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.