Al-Shabaab oo la wareegtay degmada Balcad

Dagaal culus oo dhiig ku daatey ayaa ka dhacay degmada saakay waaberigii, waxaana markii laga adkaadey isaga soo baxay Ciidamada dowladda, oo dhanka Muqdisho soo aadey.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo la wareegtay degmada Balcad

BALCAD, Soomaaliya - Malleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii la wareegtay gacan ku heynta degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe taasoo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weerartay magaaladda kadib Salaadii Subax, iyadoo u suurta-gashay dagaal kadib inay qabsato, waxaana uu sheegay afhayeenka Kooxda C/Caiis Abu Muscab inay xabsiga kasoo daayeen tobonaan Maxaabiis ah.

Dhinac kale, Sarkaal katirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in weerarka la iska caabiyay islamarkaana lagu dilay 14 xubnood oo Al-Shabaab katirsan dagaalkiisa dhacay, sidoo kalena dhanka Ciidanka uu ka dhintay hal askari.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaaladda ay degan tahay ismarkaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada dowladda kadib markii Al-Shabaab faarujisay, iyadoo aan dagaal kale dhicin.

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab qarax gaari ay ku weerartay saldhiga Ciidanka DF iyo kuwa Mareykanka ku leeyihiin degaanka Janaay Cabdalla, oo 60-KM dhanka galbeedka uga beegan magaaladda Kismaayo.

Farmaajo ayaa dayacay amniga, isagoo ku mashquulay arrimaha doorashadda, oo khilaaf uu ka taagan yahay qabsoomideeda waxaana Al-Shabaab ay ka faa'idaysanaysaa kala-guurka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.