Aqalka Sare oo war kasoo saarey Go’aannada Shirkii Dhuusamareeb

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in qodobada war-murtiyeedka ay yihiin kuwa wanaagsan, oo loo qaaday dhanka heshiis laga gaaro khilaafka Siyaasadeed ee ka jiray wadanka tan iyo markii la doortay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Aqalka Sare oo war kasoo saarey Go’aannada Shirkii Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedkii laga soo saarey Shirkii labada Maalmood socday ee ka dhacay Dhuusamareeb, kaasoo Madaxda Maamullada shanta ah ay isagu yimaadeen, si ay mowqif mideysan uga yeeshaan arrimaha doorashooyinka.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saarey Maanta ku yeeshay in go'aannada la gaarey ay yihiin kuwa wanaagsan oo dhanka soo afjarida khilaafka ka jira wadanka loo qaadey, isagoo rajo ka muujiyay in Madaxda Maamullada iyo Dowladda Dhexe heshiis ka gaaraan kala-aragtid duwanaasha doorashadda iyo arrimaha kale ee taagan.

"Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in natiijada kasoo baxday Shirka Dhuusamareeb uu horseedi doono heshisi wadajir ah oo dalka u noqda badbaado, nabad, xasilooni iyo horumar," ayuu qoraalka ku yiri Cabdi Xaashi.

Aqalka Sare ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu dhex-dhexaadinayo DF iyo maamullada, waxaana ku baaqay shir kaasoo u muuqda inuu qabsoomi waayay, maadaama Villa Soomaaliya diiday inay ka qeybgasho, iyadoo doonaysa inay kulan ku qabato Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.