Askar ajnabi ah oo billad lagu siiyay howlgalka Soomaaliya

Ka sokow bixinta adeegyada ilaalinta ee UN-ka, Uganda waxay leedahay Ciidamada ugu badan ee ku jira Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], oo ku biirisay 6,000 oo askari.

Warar Keydmedia Online
Askar ajnabi ah oo billad lagu siiyay howlgalka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sharfay 600 oo askari oo u dhashay Ugaanda, kuwaasoo ilaaliya xarumaha UN-ka iyo shaqaalaha ka hawlgala Soomaaliya.

Lt. Col. Deo Akiiki, oo ah ku xigeenka afhayeenka militariga Uganda ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Ciidamadan oo ka hoos shaqeeya qeybta lixaad ee ilaalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay bilad sharaf ka heleen Guterres.

"Biladaha waa aqoonsiga hal sano oo naf hurnimo ah, sugida amaanka xarumaha UN-ka iyo shaqaalaha oo laga difaacayay Al-Shabaab," Akiiki ayaa yiri sidaas.

Xaflad abaalmarin ah, oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa James Swan, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ku gudoonsiiyay askarta billadaha. Ciidamadan ma hoos-tagayaan AMISOM.

Ka sokow bixinta adeegyada ilaalinta ee UN-ka, Uganda waxay leedahay Ciidamada ugu badan ee ku jira Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], oo ku biirisay 6,000 oo askari.

Howlgalka AMISOM wuxuu billowday 2007, iyadoo Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab tira ahaan lagu sheegay 22,000 oo askari, oo ka kala socda Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti, waxaa kaloo jira Boolis dalal kale ka socda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.