Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay G/Baay

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadey Kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Warar Keydmedia Online

DIINSOOR, Soomaaliya - Lix Askari oo Itoobiyaan ay ahaa ku dhintay dagaalka ay Al-Shabaab kula galeen duleedka degmada Diinsoor, ee gobolka Baay shalay gelinkii dambe, sida dadka degaanka ay u sheegeen Keydmedia Online.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa jidka u galay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya kusoo oo kusii jeeday magaaladda Baydhabo, kana yimid Diinsoor. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka labada dhinac Al-Shabaab uga dhinteen dhowr dagaalyahan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.