Cabsi laga qabo inuu joogsado Dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye

Saraakiisha loo xil-saarey amniga ayaa sheegay inay jirto cabsida laga qabo suurtagalnimada ah in Al-Shabaab ay markale weeraro kusoo qaado shaqaalaha ku howlan mashruucan ay maal-gelinayso Qatar.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa tan iyo sanadkii tagey ay dowladda u maari la'dahay sugida amniga shaqaalaha Turkiga u dhashay ee dhisaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, oo dhowr jeer weeraro Al-Shabaab kusoo qaadey.

Maalmo kahor, waxaa dib u billwdayday dhismaha wajiga saddexaad ee dhameytirka waddada, iyadoo la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo loogu tala-galay inay ilaaliyaan shaqaalaha ajnabiga ah, oo qarka u saaran inay cabsi darteed shaqada u joojiyaan.

Labo Injineer oo Turkish ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Ex-control Afgooye Dec. 2019, waxaana xigay weerar kale oo lagula eegtay isla shaqaalaha Turkiga xarun ay degmada Afgooye agteeda ku leeyihiin, halkaasina waxaa lagu dilay dhowr qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.