Shidaalka Soomaaliya oo lagu xaraashayo Turkiga

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.

Warar Keydmedia Online
Shidaalka Soomaaliya oo lagu xaraashayo Turkiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay heshay Keydmedia Online macluumaad ku saabsan in magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ay ka socdaan kulamo lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya xili mudo-xileedka dowladda Farmaajo uu sii dhamaanayo.

Xogta KON ayaa sheegaysa in Wasiiro ay kamid yihiin Ganacsiga iyo Batroolka Soomaaliya ay ku sugan yihiin hadda Istanbul, iyagoo halkaasi kulamo kula leh Shirkado ajnabi ah, oo ay ku jiraan SOMA OIL & GAS iyo LIBERTY oo laga leeyahay Ingiriiska iyo Australia. 

Waxay dowladda Federaalka ka iibinaysaa shirkadahan 8 block, oo 6 kamid ah loo sharciyeynayo Shirkadda Soma Oil & Gas, halka labada kale ruqsadooda loo saxiixayo Libery Oil, oo bixinaya lacag badan, oo Farmaajo uu doonayo inuu doorashadda ku galo.

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.

Febuary 2019, waxaa lagu qabtay London shir shaki badan la geliyay, kaasoo DF sheegtay in looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Soomaaliya. Shirkaasi ayaa waxay shirkada Spectrum oo ah shirkad aruurisa xogaha Shidaal ku soo bandhigtey xogo ay ka soo uruurisey xeebaha dalka.

Intii uu shirka socdey, waxaa bannaanka goobta uu shirku ka dhacaayey ku bannaan-baxayey dad Soomaali ah oo shirkaas kasoo horjeedey, maadaama lagu boobayo shidaalka dalka, oo hadda loo gacan gelinayo shirkado aan hadhow laga qaadi karin, hadii hadda loo saxiixo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.