Caqabadaha ku hor gudban Doorashada Soomaaliya - Warbixin

Soomaaliya waxay taagan tahay waddo isgoys ah sababo la xiriira is-maandhaafka siyaasadeed ee soo noqnoqday ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
 Caqabadaha ku hor gudban Doorashada Soomaaliya - Warbixin

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa marxalad cakiran, oo dhinac walba ah, oo ugu horreeyaan amniga iyo doorashooyinka oo Farmaajo waqtigooda ku qaban waayay, ee dib u dhaca ku yimid.

Arimaha hada la isku haysto qaab dhismeedka guddiyada doorashooyinka ee lagu soo daray xubnaha NISA iyo shaqaalaha dowladda, si ay Farmaajo ugu hiiliyaan, islamarkaana codadka ugu shubaan.

Arinta Gedo ee Ciidanka Farmaajo geeyay in laga soo qaado iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi in looga dambeeyo magacaabista gudiga doorashadda Somaliland waxay qeyb ka yihiin caqabadaha jira.

Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ waxuuu doonayaa inuu duminayo qarannimada Soomaaliya, islamarkaana u sameeyo awood-aruursi iyo xukun kaligii talisnimo dalka kusoo rogo.

Is-mariwaagga doorashada ee hadda taagan ayaa ku celiyo burburkii laga dhaxlay kaligii taliskii Siyaad Barre, oo casharro laga baran si loo hagaajiyo qaab-dhismeedka iyo hannaanka doorashada Soomaaliya.

Shirkii Musharaxiinta

Dhacdo caan ah oo qaabeysay jahwareerka socda ayaa ahayd shirkii Muqdisho November 2020 ee ay yeesheen musharixiinta iyo war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee ay soo saareen oo ay ku dalbadeen in lakala diro gudiyadda doorashooyinka, in xilka laga qaado Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, Fahad Yasin.

Agaasimaha NISA wuxuu qaatay doorka madaxa ololaha doorashadda ee madaxweynaha, islamarkaana uu lumiyay kalsoonida uu kusii heyn karo hoggaanka hay'adda Sirdoonka dalka, maadaama uusan dhex-dhexaad ahayn.

Faragelinta Shisheeye

Wadamada deriska iyo Khaliijka Carabta, ayaa faragelin ku haya doorashadooda waxayna tani saameyn ku yeelaneysaa mustaqbalka Soomaaliya, madaxda kursiga u tartamaysa dhamaantood ay danta dalka ka hor-mariyaan mid dowladaha shisheeye ee maal-geliyay ololahooda doorashadda.

Tusaale, Qatar ayaa maalgelisay Farmaajo doorashadiisa 2017, waxayna maanta heshay fursad ay dalka ku maamusho, oo danahadeeda gaarka uga fulisan karto. Fahad Yaasiin oo wakiil u ah ayaa u fadhiya Villa Somalia, oo fuliya qorshe kasta oo ka dhan ah Imaaraadka.

2021 waxuu go'aamin doonaan safarka dalka iyo halka uu aadi doono, doorasho ama fowdo iyo qalalaase, oo hadii ay dhaco mas'uuliyadeeda uu qaadi doono Farmaajo, maadaama uu isku dhejinayo kursiga, islamarkaana uu diidan yahay inuu qabto doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.