Carruur ku dhimatay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle

Webiga Shabeelle ayaa inta badan fatahaad ka sameeya meelo badan oo ka mid ah gobolada dalka xilli roobaadka.

Warar Keydmedia Online
Carruur ku dhimatay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya – Webiga Shabeelle ee mara deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ayaa fatahaad xooggan ka sameeyay Degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga ee ka tirsan Shabeelaha Hoose, maadaama xilli roobaad lagu jiro.

Fatahaadda ayaa la sheegaya in uu Webiga ka geystay xaafadaha Baalguri, Raqayle, siigaale, Damaleey iyo tuulooyinka Shukurow, Dhajaleey, Balbaleey, Mareereey, Mooradiile, Baladul-Amiin iyo Sabiid & Caanoole oo dhamaantood hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Nuur Gaabow ayaa sheegay in labo carruur ah ay ku geeriyoodeen fatahaada uu Webiga ka sameeyay xaafada Baalguri, sidoo kalena ay ku barakaceen Qoysas badan oo halkaas ku noolaa.

Webiga Shabeelle ayaa inta badan fatahaad ka sameeya magaalooyinka iyo Tuulooyinka uu dalka maro, ilaa hadana majirto cid masuuliyad iska saartay xakameynta fatahaada oo loo sababeynayo biyaha xad-dhaafka ah ee roobabka ka dhasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.