Ciidamada AMISOM oo Shacab ku dilay Muqdisho

Dilka dadka rayidka ah ayaa yimid kadib markii qarax lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka Midowga Africa xili ay marayeen Warshadii hore ee Xeyla Bariise, oo ku taalla degmada Heliwaa.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada AMISOM oo Shacab ku dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Askar u dhalatay dalka Burundi, oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa dad shacab ah ku dilay magaaladda Muqdisho, kadib markii gaadiid ay wateen qarax lagula eegtay degmada Heliwaa Maanta oo sabti ah.

Goobjooge la hadlay KON ayaa sheegay in Booyad biyo u waday Ciidamada AMISOM uu qaraxa miino burburiyay, iyadoo sidoo kale waxyeello soo gaartay baabuurta gaashaaman, waxaana goobta ku dhintay hal askari.

Ciidamo gurmad ah oo dhinac Balcad ka yimid ayaa rasaas ku furay dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa goobta qaraxa, waxayna sababtay dhimashadda todobo qof, oo carruur iyo haween ay ku jiraan, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Rasaasta ayaa sidoo kala dhaawac gaarsiiyay ugu yaraan 7 qof oo kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaal, waxaana markii dambe halka ay wax ka dhaceen gaarey Ciidamada dowladda oo xaaladda caadi kusoo celiyay, kadib markii ay kala eryayeen dad ka caraysan falka dilka ah oo banaanbax ka dhigayay Suuqa Xoolaha.

Inta badan marka AMISOM la weeraro waxay ku furaan shacabka rasaast aargoosi ah, oo horseeda dhimasho iyo dhaawac, mana jirto cid kula xisaabtanta askarta ajnabiga ah dhibaatooyinka ay dalka ka geysanayaan, oo kufsi, dil iyo xad-gudubyo kala kamid yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.