Ciidamo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Xiisadda siyaasadeed ayaa ka taagan Puntland taasoo u dhaxaysay Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadda, sida ay maalin kahor soo qortay Keydmedia Online

Warar Keydmedia Online
Ciidamo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland

GAROOWE, Puntland - Ciidamo boolis ah ayaa la geeyay xarunta Baarlamaanka Puntland, kuwaasoo la wareegay mas'uuliyadda amniga goobtan xili ay jirto khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

Tallaabadana ayaa ka dambeysay kadib markii Xildhibaanada ay ka dalbadeen Madaxweyne Deni inuu Ciidamo ka socda booliska geeyo dhismaha Baarlamaanka, kadib markii todobaadkan buuq iyo fowdo hareeyay kulan looga hadlayay la xisaabtanka Xukuumadda.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha Gollaha Cabdirashiid Yuusf Jibriil in Ciidamo uu leeyahay ku afduubay xarunta, kuwaasoo ka shiri waayay Xildhibaannada iyagoo faragelin ku sameeyay kulamada dhacaya.

Waxaa jira Mooshin ay Xildhibaanada ka diyaariyeen Cabdirashiid Yuusf Jibriil, kaasoo la filaya in maalmaha soo socda laga doodo, waxaana soo shaac baxay khilaafka Baarlamaanka Puntland oo tan iyo sanadkii lasoo dhaafay soo jiitamayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.