Ciidanka DF oo Al-Shabaab kala wareegay Basra

Dagaal culus ayaa shalay ka dhacay degaanka iyo Tuulooyin hoostaga, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labada dhinac.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF oo Al-Shabaab kala wareegay Basra

BALCAD, Soomaaliya - Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay degaan lagu magacaabo Basra, oo duleedak degmada Balcad ku yaalla, kadib dagaal xoog leh oo shalay dhacay.

Labada dhinac ayaa kasoo gaarey dagaalkii shalay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan wali la xaqiijin tirada rasmiga ah. Xaaladda Basra ayaa saakay degan, iyadoo Ciidanka DF ay sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Degaanada dhaca inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar ayaa ahaa kuwa ay ka dhacaan weeraro joogto ah, waxaana labadii sano ee ugu dambeeyay lagu dilay Saraakiil amni iyo Xildhibaanno katirsan Maamulka HirShabeelle.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa hadda billaabey howgallo Al-Shabaab looga sifeynayo wadada, maadaama lagu jiro xili doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.