Ciidanka DF oo dib ula wareegay Balcad

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in 14 kamid ah kuwii weerarka kusoo qaadey magaaladda in lagu dilay dagaalki ay la galeen Ciidamada Xoogga dalka.

Warar Keydmedia Online

BALCAD, Soomaaliya - Saraakiisha Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka dib ula wareegaan Maanta degmada Balcad, oo saakay aroortii Kooxda Al-Shabaab dagaal kula wareegtay.

Dowladda ayaa sheegtay inay ku dishay weerarka Balcad 14 dagaalyahan, islamarkaana dhinaca Ciidanka uga dhintay hal askari, waxaana jira dhaawac dad shacab ah soo gaarey. Balcad oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho ayaa mudo ku jirtay gacanta DF.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.