Ciidanka DF oo faarujiyay degaan muhiim ah

Degaanka ayaa ahaa sanadhihii dambe meel ay ka dhacayeen dagaallo joogto ah, iyadoo Kooxda Al-Shabaab kusoo qaadaysay weeraro joogto ah, oo askar iyo shacab badan ku dhinteen.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF oo faarujiyay degaan muhiim ah

BAYDHABO, Soomaaliya - Saraakiisha amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay xalay ka baxeen degaanka Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Baydhabo.

Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay waxaa ku suganaa Ciidan katirsan qeybta 60aad, waxaana wali la ogeyn sababta keentay dib u gurashadda lama filaanka ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Kooxda Al-Shabaab dib ula wareegtay degaanka.

La wareegista Goof-gaduud ayaa kusoo beegmaysa xili shalay uu Baydhabo gaarey taliyaha Booliska Soomaaliya Jen Xijaar, kaasoo u guur-galaya islamarkaana qiimeyn ku samaynaya xaaladda amni ee degaanada Koonfur Galbeed.

Weerar ka dhacay Goof Gaduuf bishii August ayaa lagu dilay gudoomiyihii iyo taliyihii booliska degaanka Isaaq Cali Isaaq iyo Xasan Bakaa, kuwaasoo ku geeriyoodey qaraxyo ka dhashay miinooyin Al-Shabaab ay ku xireen meydadka askar dagaalka ay ku dileen.

Weerarada Al-Shabaab ee sii kordhaya iyo amni la'aanta ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeeshaan doorashooyinka soo socda, waxaana jirta in Kooxdan argagaxisadda dhawaan odayaashii soo doortay Xildhibaanada uga digtay inay doorasho dambe ka qeybgalaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.