Ciidanka Kenya oo Dhalinyaro Soomaali ah ku dilay Garissa

Warbaahinta Kenya ayaa soo warinaysa in saraakiishan loo qabtay 14 maalmood oo dheeraad ah si baaritaan loogu sameeyo.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Kenya oo Dhalinyaro Soomaali ah ku dilay Garissa

GARISSA - Mas’uuliyiinta amniga Kenya ayaa xiray laba sarkaal oo boolis ah oo la sheegay inay dad rayid ah ku dileen magaalada Gaarisa dabayaaqadii isbuucii hore.

Laba sarkaal oo ka tirsan Agaasinka Baarista Dambiyada Kenya (DCI) ayaa lagu eedeeyay inay dileen wiilal degganaa Garissa, oo lagu kala magacaabi jiray Muhiyadin Adow Shibin oo 49 jir ah iyo Aadan Cabdi Madoobe oo 50 jir ah.

Toddobaadkii hore, iyagoo ugaarsanaya tuhmanayaal argagixiso xaafad u dhow suuqa xoolaha Magaalada, ayay askartu rasaas ku fureen dhibbanayaasha kahor inta ayan ka bixin meesha. Sida ay sheegeen dadka goobjooga ahaa, askartu waa la qabtay, waxaana la horgeynayaa maxkamad kadib markii ehelka dhibanayaashu ay aqoonsadeen.

Warbaahinta Kenya ayaa soo warinaysa in saraakiishan loo qabtay 14 maalmood oo dheeraad ah si baaritaan loogu sameeyo.

Isagoo sii deynaya tuhmanayaashan maalintii isniinta, ayuu garsooraha maxkamada sare ee magaciisa la yiraahdo Timothy ole Tanju ayaa sheegay in booliisku ay u adeegsan doonaan labada todobaad in ay baaraan arinta.

"Dhacdadu waxay ka dhacday Soko ya Ng'ombe. Markii dambe, dadka deegaanku waxay ku guuleysteen inay magacabaan saraakiishii ku lugta lahayd, ka dibna la qabtay, ”ayuu yiri Wakiilka Gobolka Waqooyi-bari Nick Ndalana.

Toogashadan waxaa cambaareeyay gudoomiyaha Gobolka Gaarisa, Cali Korane iyo Xildhibaanka Magaalada Gaarisa Aadan Ducaale. Hay'ada Madaxa Bannaan ee Ilaalinta Bilayska (Ipoa) iyo Agaasinka Baarista Dambiyada ayaa baaraya xukunka dilka.

“Baaritaannada, oo ay la socdaan soo jeedinta Ipoa iyo xafiiska Agaasimaha Xeer-ilaaliyaha Guud (DPP), ayaa lagu ogaan doonaa in saraakiishu xaq u leeyihiin inay adeegsadaan hubkooda,” ayay DCI ku soo qortay boggeeda Twitter-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.