Dad kasoo barakacay duqeymaha US ee Sh/Hoose

Duleedka Muqdisho xeryo barakacayaal ku yaalla waxaa soo gaarey magaalihii lasoo dhaafay boqolaal qoys oo sheegay inay kasoo carareen duqeymaha Mareykanka.

Warar Keydmedia Online
Dad kasoo barakacay duqeymaha US ee Sh/Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Mareykanka ayaa si aan kala sooc lahayn u duqeeya shacabka iyo Al-Shabaab marka ay howlgallada ka fulinayaan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafayay soo gaarayey duleedka Muqdisho qoysas badan oo kasoo barakacay gobolka, kuwaasoo qaarkood u sheegay Keydmedia Online inay kasoo carareen duqeymaha diyaaradeed ee militeriga Mareykanka.

Waxay sheegeen in diyaaradaha drones-ka ay laayeen dad iyo duunyo, islamarkaana ay kusii noolaan waayeen cabsida iyo argagaxa joogtada ah, waxayna go'aansadeen inay ka barakacaan guryahooda, oo ku noolaadaan xeryahah barakacayaasha duleedka Caasimadda.

Militeriga Mareykanka ayaa mudo 13 sano ah Howlgallo duqeymaha ah ka fulinaya gudaha Soomaaliya, kuwaasoo khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarey shacab aan waxba galabsan, halkan ka akhriso Warbixin Keydmedia Online ka diyaarisay.

Ma jirto cid kula xisaabtanta Ciidamada shisheeye dhibaatooyinka iyo xad-gudubyada ay shacabka Soomaaliyeed u geysanayaan, iyadoo dalka dawladda ka jirta ay noqotay mid indhaha ka daawata waxyaabaha dalka ka dhacaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.