Dagaal ka dhacay Muqdisho

Hal Askari ayaa ku geeriyodey, halka mid kalena uu ku dhaawacmay iska hor-imaadka u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan dawladda oo saakay ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa saakay ka dhacay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi, kaasoo uu ku dhintay hal askari, mid kalana uu ku dhawaacmay.

Lama oga waxa keenay dagaalka, laakiin inta badan iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidanka waxaa u badan muran lacagaha canshuurta iyo dhulka dawladda leedahay, oo ay ku nool yihiin qoysaska askarta Militeriga, oo markii la isku dayo in laga kiciyo isku dhac yimaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.