Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Baay

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro jidgal ah ku qaada Ciidamada dowladda Federaalka, AMISOM iyo kuwa maamullada xilliyada ay howlgallada sameynayaan.

Warar Keydmedia Online
Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Baay

MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in dagaalkaan uu yimid kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay dhabbaha u galeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo howlgallo ka waday duleedka Diinsoor.

Howlagalka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Wiigli ee duleedka degmada, waxaana la sheegayaa in Al-shabaab 4 xubnood looga dilay dagaalka, wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaro soo gaaray dhinaca Ciidanka dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.