Dalxa: Dalka Baarlamaan dadkiisa matela kama jiro

Wuxuu sheegay in Xildhibaanada ay isaga fadhiyaan kuraasta, iyagoo aan waxba u qaban dadka iyo degaanka ay matelaan.

Warar Keydmedia Online
Dalxa: Dalka Baarlamaan dadkiisa matela kama jiro

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Dalxa ayaa ka hadlay xaqiiqda, isagoo sheegay in dalka aan ka jirin Baarlamaan shacabka uu matelo u adeegga.

Wuxuu hadalkan ka sheegay kulan lagu ansxiyay maanta sharciyada dhismaha gudiga garsoorka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.

"Waxaan ognahay in dalka aan ka jirin Baarlamaan awood leh, oo wax ka qaban kara ama ka hadli kara dhibaatada shacabkiisa," ayuu yiri Dalxa.

Sidoo kale, Dalxa ayaa tilmaamay in Xildhibaanada ay ku ceebaysan yihiin dadka soo doortay iyo degaanada ay ka yimaadeen, oo aan waxba u qaban.

Xildhibaanka wuxuu ka fekeraa kursigiisa, isagoo marka uu dhamaado waqtigiisa dib u raadiya dadkii uu ka dhuumanayay, oo haddana ka codsada inay markale doortaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.