Deni iyo Qoor-Qoor oo booqasho ku tagey Cadaado

Labada Madaxweyne ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda oo safar dhinac dhulka ah ay ku tageen, waxaana lagu wadaa inay kulamo la yeesheen mas'uuliyiin kala duwan.

Warar Keydmedia Online

CADAADO, Soomaaliya - Wafdi ay hogaaminayaan Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa maanta gaarey magaaladda Cadaado, ee gobolka Galgaduud, iyagoo safar dhanka dhulka ah uga yimid dhinaca Dhuusamareeb.

Deni iyo Qoor-Qoor ayaa lagu wadaa inay inta ay ku sugan yihiin Cadaado lagu wadaa inay la kulmaan odayaasha degaanka iyo mas'uuliyiinta Maamulka degmada.

Lama oga waxay salka ku hayso boqoshada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Galmudug, isagoo ka qeybgalay shirkii maalmaha badan qaatey ee Maamullada iyo Dowladda Dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.