Puntland: Deni oo loo xiray jidadka Garowe

Waxay ahayd tallaabo caqabad ku noqotay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaaladda Garowe, iyadoo dad badan aysan maanta shaqooyinka iyo waxbarashadda aadin.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Puntland - Waxaa Maanta oo Axad ah Garowe dib ugu laabtay Madaxweyne Saciid Deni oo in ka badan 45 cisho ka maqnaa Puntland, isagoo safaro ku kala bixiyay Muqdisho, Nairobi iyo Imaaraadka.

Ciidanka ayaa xiray wadooyinka saakay kahor imaanshihiisa, iyadoo la hakiyay gaadiidka dadweynaha taasoo xannibaad ku keentay isu-socodka magaalada. Dadweyne iyo Mas'uuliyiin ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Deni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.