DF oo laga dalbaday inay sii dayso Mukhtaar Robow

Taageeriyaasha hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab ayaa Baydhabo ka sameeyay kulan looga hadlay xarigiisa, iyadoo sawirkiisa laga dhejiyay derbiga goobta, si loogu muujiyay deraankooda ku aadan maxbuuska Dowladda u xiran.

Warar Keydmedia Online
DF oo laga dalbaday inay sii dayso Mukhtaar Robow

BAYDHABO, Soomaaliya - Tageerayaasha Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo maanta isagu yimid Baydhabo, ayaa mudaaharaad fadhi ah ka sameeyay xirnaanshihiisa 20-ka bilood uu ku jiro xabsi gaar ah oo NISA ku leedahay magaaladda Muqdisho.

Hogaamiye ku-xigeenkii iyo Afhayeenkii Al-Shabaab, Robow waxaa la xiray Dec 13, 2018 taas oo lagu sifeeyay inay tahay qorshe looga horjoogsanayay inuu u tartamo hoggaanka ugu sareeya ee dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda iyada ayaa kasoo wadey Roobow sandkii 2018 degaanka Yabaal, oo ku dhaw Xudur halkaasi oo mudo sano ah isaga difaacayay Al-Shabaab kadib markii ay cafis u fidisay, lagana saarey liiska argagaxsiada Mareykanka.

Isla dowladdii xoriyada siisay Robow, ee hotel-ka Xamar dejisay, siisay gaari bullet-proof ah iyo ilaalo gaar ah ayaa hadda ku xirta Muqdisho, kadib markii ay u aragtay inuu ku adkaan karo doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhacday Dec. 2019.

Mukhtaar Roobow ayaa loo qiyaanay sidii Xasan Daahir, waxayna ku jiraan hadda xabsi guri magaaladda Muqdisho, iyagoo aan haysan damaanad in dib loogu celin doono xoriyadooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.