Dilal ka dhacay Muqdisho

Dad badan ayaa ka naxay dilka arxan darrada ah, ee ka dhacay Seybiyaano, iyadoo meydadka labada qof ee shacabka ah la dhigay xarunta CID-da.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa ka dhacay galabta Muqdisho dil aad looga naxay, oo loo geystay labo qof oo shacab ahaa kuwaasoo ku sugnaa Suuqa Seybiyaano.

"Dilka wuxuu ka dhacay goob ganacsi waxaana geystay askari Ciidamada Dowladda katirsan, waxaa cajiib ahaa dadka la dilay mid kamid ah kitaab ayuu aqrisanayay," ayuu yiri qof goobjooge ahaa, oo la hadlay Keydmedia Online.

Meydadka labada qof ayaa la dhigay xarunta CID, waxaana wali lasoo qaban askarigii falkan geystay oo goobta ka baxsaday kadib toogashadda. Lama oga sababtuu falka ugu kacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.