Dilalka qorsheysan oo kusoo kordhay Kismaayo

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.

Warar Keydmedia Online
Dilalka qorsheysan oo kusoo kordhay Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Dhakhtar Caan ahaa ayaa xalay lagu dilay magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo mudooyinkii dambe ay kusoo kordheen dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo Aqoonyahanada, Ganacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay Xaafadda Via Afmadow Dr Yuusuf Axmed oo loo yaqaaney [Yuusuf Yare] xilli uu kusoo jeeday gurigiisa, sida qof goobjooge ahaa u sheegay Keydmedia Online.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dhakhtarka loogu galay goobtiisa shaqada, kadibna lagu dilay.

Waa dilkii labaad oo tan iyo September 2020 Kismaayo loogu geystay qof muhiim ah, oo dadka iyo degaanka waxtar u lahaa, waxaana dilalkan dadka qaar ku tilmaameen inay yihiin kuwa siyaasadeysan oo maamulka Axmed Madoobe ku lug leeyahay.

Ku dhawaad saddex bilood kahor, waxaa lagu dilay qarax ismiidaamina ahaa Maalin Jimco ah salaadii qudbada kadib Shaafi Raabi Kaahin waa madaxa Rugta ganacsiga Jubbaland, oo Axmed Madoobe qaraabo dhaw ahaayeen.

Odayaal badan iyo Aqoonyahanno degaanka u dhashay ayaa lagu tabayaa Axmed Madoobe, oo markii uu xoogga ku qabsaday magaaladda billaabey inuu iska horleexiyo qofkasta oo aan ku qanacsanayn Maamulkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.