Robow oo amiirkiisii Al-Shabaab ku dhex arkay Shirka Muqdisho

Roobow ayaa ah hadda Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Soomaaliya, waxaana uu ku xirnaa Xabsiga NISA mudo 3 sano ah, oo Xasan Sheekh kasoo daayay.

Warar Keydmedia Online
Robow oo amiirkiisii Al-Shabaab ku dhex arkay Shirka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku-xigeenkii hore ee Al-Shabaab, oo Wasiirka isku-bedelay ayaa Maanta xaflad Muqdisho ku arkay amiirkiisii hore Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe iyo Roobow waxay kamid ahaayene aas-aasiyaasha Al-Shabaab, waxayna kasoo qabteen xilal kala duwan, balse markii dambe labaduba Axmed Godane kasoo cararay.

Roobow ayaa markii uu hadalka jeedinayay indha saarey Axmed Madoobe oo waa hore ugu dambeysay, waxaana uu yirin "Maanta amiirkaygii hore Al-Shabaab ayaa halkan jooga", waxaana hadalkan ka qosliyay madaxdii fadhisay.

Shabaabkii shalay waa madaxda Maanta, waxay haddana kawada shaqeynayaan sidii kooxdoodii ay kasoo tageen la dagalamaan, taasoo dad badan aaminsan yihiin inaysan dhab ka ahayn.

Axmed Madoobe 10 sano ayuu fadhiyay Kismaayo, meelna uga dhaqaaqin, waxaana lla shaqeystaa Al-Shabaab, oo shirka ku yihiin dhuxusha ka dhoofta xeebaha Kismaayo, ee laga soo jaro degaanada argagaxisadda maamusho.

Hadda Roobow waa Wasiirka Diinta Soomaaliya, waxaana loo xushay inuu feker iyo diin ahaan lagulama dagaalamo, maadaama uu wax badan ka yaqaano xeeladaha Kooxda Al-Shabaab.

Roobow ayaa ah hadda Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Soomaaliya, waxaana uu ku xirnaa Xabsiga NISA mudo 3 sano ah, oo Xasan Sheekh kasoo daayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.