Diyaarad oo si deg deg ah ugu degtay Garoonka Muqdisho

Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay in diyaaradda ay lumisay Koontaroolka, kadibna ay sameysay soo-degid deg deg ah, iyadoo aan jirin wax khasaaro ah oo soo gaarey rakaabkii saarnaa, oo kusoo jeeday Magaaladda Istanbul.

Warar Keydmedia Online
Diyaarad oo si deg deg ah ugu degtay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradda Turkish Airlines ayaa Maanta oo Axad ah deg deg ugu degtay Garoonka Muqdisho, kadib markii ay cilad soo wajahday xili ay hawada ku jirtay 30,000 oo fiit, islamarkaana ay saarnaayeen rakaab aad u badan oo Caasimadda ka qaadey.

Sarkaal katirsan Maamulka Garoonka oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in duuliyaha uu lumiyay xiriirka, kadibna uu go'aansaday inuu diyaaradda si deg deg ah kusoo dejiyo, waxaana markii dambe la xaliyay ciladda.

"Diyaaradda waxay hawada ku jirtay daqiiqado yar markii uu duuliyaha lumiyay xiriirkii, taasina waxay keentay in si deg deg ah kusoo degto, ma jiro wax khasaaraha, hadda waa la xaliyay ciladda, diyaaradda waa la fasaxay," ayuu yiri Sarkaalkan magaciisa ka gaabsaday.

Shaqaalaha gurmadka deg dega ee Garoonka, ayaa isla markiiba u tagey diyaaradda markii ay soo degtay, si ay u demiyaan hadii uu dab qabsado, iyadoo rakaabkii ay waday la dejiyay Decale hotel oo Turkiga ka dhistay gudaha Garoonka.

Waraka kale ayaa sheegaya in cilad kale lagu arkay diyaaraddan oo nambarkeedu yahay TK 4927. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Shirkadda Turkish Airlines oo ku aadan arintan.

March 2012 ayay Turkish Airlines ka billowday Soomaaliya duulimaadka tooska ah, oo labo jeer todobaadkii ku tagto Muqdisho, waxayna ahayd diyaaraddii ugu horeysay oo caalami ah oo dalka ka shaqaysa 20 sano kadib oo dagaallo iyo amni la'aan lagu jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.