Duulimaadka Garoonka Muqdisho oo la hakiyay

Diyaaradda soo dhacday ayaa waxay gargaar bini'aadnimo u wadey magaaladda Beledweyne, waxayna soo dhacday waxyar kadib markii ay ka duushay saakay Garoonka Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Duulimaadka Garoonka Muqdisho oo la hakiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa hakad ku jiray duulimaadkii diyaaradaha Garoonka Muqdisho kadib markii saakay ay diyaayad wayn oo kuwa xumuulka qaada ay ku burburtay.

Diyaaradda oo ay leedahay Shirkadda Silverstone, oo fadhigeedu yahay Kenya ayaa wajiga hore ku dhufatay dermiga Garoonka ee dhinaca badda xiga, oo ku dhaw xarunta Xalane, waxaana dab uu ka kacay qeybta duuliyaha, inkastoo markii dambe la demiyay.

Diyaaradda ayaa waxay soo dhacday waxyar kadib markii ay u duushay dhinaca Beledweyne, oo gargaar bini'aadanimo u wadey, iyadoo u kireysanayd UN-ka.

Waaxda duulista Garoonka ayaa xaqiijiysay in labo qof ay ku dhaawacmeen shilka, waxayna ahaayeen dadka la socday diyaaradda 4 qof oo shaqaale ahaa dhamaantooda. Waxaa socda howlo diyaarada burbursan goobta looga qaadayo.

Waa shilkii 4aad oo sanadkan ka dhaca Soomaaliya, iyadoo labo kamid ah shilalkaas ay galeen diyaarado ay leedahay Shirkadda Silverstone, oo la sheegay in diyaaradeeda laga mamnuucay garoomada adduunka. [Halkan ka akhri Warbixin]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.