Doorashada Itoobiya oo dib loo dhigay iyo awoodda Abiy Axmed oo…

Abiy ayaa xilka loo dhiibay horaantii 2018, kadib markii uu is-casiley Ra'iisul Wasaarihii ka horeeyay.

Warar Keydmedia Online
Doorashada Itoobiya oo dib loo dhigay iyo awoodda Abiy Axmed oo…

ADDIS ABABA - Guddiga doorashadda Itoobiya ayaa khamiista maanta ah sheegay in doorashooyinka qaran ee dalkaasi mar labaad dib loo dhigay xili colaado iyo rabshado ka socdaan gobollada qaar, sida Tigray.

Waxaa la qaban doono doorashadda 21-ka Juun, taasoo tijaabo weyn u ah dib u habeynta dimuqraadiyadda ee uu wado Ra'iisul wasaare Abiy Axmed. Waxuu qorshaha ahaa inay dhacdo doorashadda 5ta Juun 2021.

Doorashadda dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa dib loo dhigay hal sano bishii August 2020 ayay ahayd inay dhacdo, laakiin muddo-kordhin loo sameeyay kadib markii Coronavirus dartiida bandow loo geliyay wadanka.

Afhayeenka gudiga doorashadda Solyana Shimeles ayaa sheegtay in cilado farsamo ay ugu qaban waayeen doorashadda waqtigii loogu tala-galay, iyadoo shaacisay in aysan tababarka u dhamaan shaqaalihii qaban lahaa doorashadda oo 100,000 gaaraya iyo qalabka codbixinta oo u dhameytirnayn.

"Yaraanta shaqaaluhu waxay si gaar ah uga jirtay illaa hadda gobollada Canfarta iyo Soomaalida, halkaasoo diiwaangelintu ay ka soo daahday goor dambe," ayay tiri.

Waxaa laga baqayaa mar 3aad inay dib u dhacdo doorashadda, maadaama roobaba waaweyn ay ka da'aan dalka itoobiya bisha Juun, kuwaasoo keeni kara fatahaado iyo gobollada qaar in la tagi waayo.

Warar ayaa sheegaya in dib u dhac ay qeyb ka yihiin colaadaha dalka ka taagan, maadaama aysan amni ka jirin Tigray, Oromia iyo Amhara oo aan laga jeclayn xukuumadda Abiy Axmed.

Abiy ajendihiisa dib-u-habeynta wuxuu ku kasbaday inuu helo Abaalmarinta Nobel Peac Prize sanadkii 2019, laakiin muddadii uu xilka hayey waxaa hareeyay caqabado xagga amniga ah, oo ay ugu weyneyd dagaalkii lixda bilood ka socday waqooyiga gobolka Tigray, kaas oo aan ka qeyb geli doonin doorashooyinka 21-ka Juun.

Qiyaastii 36 milyan oo Itoobiyaan ah ayaa isdiiwaangaliyay si ay u codeeyaan dhamaadka isbuucii la soo dhaafay, in kastoo aysan jirin wax diiwaangelin ah oo ka dhacday dhowr degmo doorashooyin ay hareeyeen rabshado qowmiyadeed, oo ay ku jiraan gobollada ugu dadka badan waddanka, Oromiya iyo Amxaaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.