Doorasho ka dhacday Gaalkacyo iyo Qoor Qoor oo ka hadlay

Magaaladda Gaalkacyo oo Koonfur iyo Waqooyi u kala qeybsan, islamarkaana ay kawada taliyaan labo Maamul ayaa noqotay meeshii ugu horeysay oo Golle degaan laga dhiso Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Doorasho ka dhacday Gaalkacyo iyo Qoor Qoor oo ka hadlay

GAALKACYO, Soomaaliya - Gollaha cusub ee degaanka Gaalkacyo, oo maalmo kahor la dhisay ayaa shalay oo Sabti ahayd doortey gudoomiyaha magaaladda iyo ku xigeenkiisa kadib doorasho ka dhacday hotel-ka Five Star.

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa loo doortey duqa degmada halka ku xigeenkiisa loo doortey Maxamed Cabdi Cilmi, waxaana guushooda doorashadda soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale, Qoor Qoor ayaa uga mahadceliyay Wasiirkiisa Arrimaha gudaha howsha uu hayo, waxuuna ugu baaqey inuu dhameytiro qorshaha golle degaan loogu sameynayo dhamaan degmooyinka Galmudug, sida Dhuusamareeb, Cadaado, Guriceel iyo Caabudwaaq.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.