Dowladda Turkiga oo cambaareysay weerarkii Afrik Hotel

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii galabtay ka dhacay Hotel ka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Turkiga oo cambaareysay weerarkii Afrik Hotel

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii Argagaxiso ee galabta ka dhacay magaalda Muqdisho, kaasoo lagu qaaday Hotel ay ka buuxeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyo qaar kamida odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay weerarka, sidoo kalena waxaa loogu duceeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

"Waxaan kaxunnahay in aan helno warka ah in dad badan naftooda ku waayeen qaar badana ay ku dhaawacmeen qaraxii bam ee ay geysteen kooxda argagixisada ah ee Al Shabab kaasoo maanta (31 Janaayo) ka dhacay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya". ayaa lagu yiri warka, iyagoo intaa ku sii daray "Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun waxaana tacsi u direynaa dadka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya. Waxaan Allah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii naftooda ku waayey iyo caafimaad deg deg ah intii ku dhaawacantay"

Warka ayaa lagu caddeeyay in dowladda Turkigu ay sii wadi doonto garab istaagga Soomaalida la nool qaraxyada iyo dhibaatada ka imaanaysa kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab "Turkiga wuxuu sii wadi doonaa inuu ku garab istaago Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada". ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Turkiga.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka dowladda Turkiga:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.