Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Nuur Galaal

Warar Keydmedia Online

AUN Marxuum Maxamed Nuur Galaal ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii shalay ka dhacay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, halkan waxaan ku eegi doonnaa Taariikh nololeedka Marxuum Galaal

Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Nuur Galaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Janaraal Maxamed Nuur Galaal waxa uu ku dhashay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxbarashadiisa aas-aasiga iyo middii sareba wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa halyeey militeriga Soomaaliya lasoo shaqeeyay, sidoo kalena wuxuu ahaa khabiir ka faallooda istaraateejiyada mandiqadda Soomaaliya ee ay adduunka kaga taal, wuxuu in badan ka caawiyay wadaadadii ASWJ ee gobollada dhexe kula dagallamay Al-Shabaab istaraatiijiyaddii looga saaray kooxdaas qeybo kamida gobolka Galgaduud.

AUN wuxuu qeyb kasoo qaatay dagaalkii 1977-kii dhexmaray waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ahaa saraakiisha ugu da’da yaraa ee qeyb libaax ka qaatay dagaalkaasi oo Soomaaliya kaga adkaatay Itoobiya.

Wuxuu kamid ahaa shakhsiyaadka nool ee si dhaw ula soo shaqeeyay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, labadoodaba waxay kawada shaqeyn jireen Saldhig Boolis oo ku yaal magaalada Muqdisho. Sanadkii 1957 -dii ayuu ku biiray ciidankii Booliska Soomaaliyeed.

Janraal Galaal waxaa loo qaaday tababar ciidan oo dalka Talyaaniga ah, sanadkii 1960 -kii ilaa 1964 -kii ayuuna tababarkaasi ku maqnaa isagoo iyo saraakiil kale, wuxuuna dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee isla sanadkaas ayuu qeyb kasoo qaatay.

Muddadaas kaddib waxa uu haddana kamid noqday saraakiil kale oo loo qaaday waddanka Ruushka halkaasoo tababar kale loogu qaaday 1964 -kii.

AUN Marxuumka wuxuu soo noqday Wasiir, dowladdii milatariga ee Maxamed Siyaad Barre ayuu kasoo noqday Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga sanadku markuu ahaa 1977 -kii ilaa 1980 -kii. Sanadihii 1980 -kii ilaa 1982 -kii ayuu haddana noqday Wasiirkii Horlaha guud ee isla dowladdaasi milatariga.

Xilligii bur-burka wuxuu kamid ahaa dadkii waddanka ku sugnaa, kamana uusan qeyb qaadan dagaalladii sokeeye ee dalka ka holcayay, dowladihii KMG ayuu ka caawin jiray in badan dhinaca tababarada ciidamada, isagoo sida la sheegay ku xeel dheeraa arrimaha sirdoonka milatariga, waxaana dalka Ruushka uu ku maqnaa muddo ka badan Shan sano oo uu tababar ciidan ugu maqnaa.

Sida aan horay uxusnay wadaadadii ASWJ ee fadhigoodu ahaa gobollada dhexe ayuu siiyay tababar ciidan, waxaana lagu tilmaamaa in uu qeyb weyn ka qaatay sidii looga sifeeyay dhul badan kooxda Al-Shabaab, waana sababta ay dhowr mar oo hore ula beegsadeen qaraxyo marar iyo goobo kala duwan.

Lama hubo sida uu u dhintay Marxuumka, balse wuxuu ku geeriyooday intii uu socday dagaalkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Afrik. Dhimashadiisana warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaysa, inkastoo la sheegay dablaydii hubeysneed ee weerarka soo qaadday oo tiradooda lagu sheegay in ay ahaayeen 4 dagaallame, ayuu laba kamida toogtay Janaraalka oo ka dagaallamayay in cabaara gudaha qolkii uu ku sugnaa markii uu weerarku billowday, ayaa ugu dambeyn 12:00 habeenimo meydkiisa laga soo bixiyay gudaha Hotel ka.

Marxuumka ayaa intii uusan dhiman dardaaran hore bixiyay, wuxuuna eheladiisa usheegay in lagu aaso magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud halkaas oo uu kasoo jeedo, waxaana lagu wadaa in halkaasi la geeyo xilliyada soo aadan meydka marxuumka Allaha u naxariistee.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.