Wariye ku dhawaad 24 saac dowladda u xiran

Wariye Nuune Cali Xasan oo ka mid ah wariyayaasha ka howl gala Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaad 24 saac u xiran Dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Wariye ku dhawaad 24 saac dowladda u xiran

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye Nuune Cali Xasan ayay ciidanka Dowladdu xalay si sharci darro ah u xireen isagoo ku gada jira waajibkiisa shaqo.

Nuune Cali ayaa markii la xirayay ku sugnaa agagaarka hotel Afriik oo markaas uu ka socday dagaal u dhaxeeyay kooxdii weerarka kusoo qaaday hoteelka iyo ciidanka dowladda.

Waxaa la xaqiijiyay in la geeyay Godka Jilacoow, sargaalkii xireyna uu maanta u ambabaxay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb isagoo aan wax dacwo ah ka qorin.

Dowladda uu Farmaajo hoggaamiy ayaa caadeysatay caburinta iyo caga jugleynta saxifiyiinta, in ka badan inti ay sugi lahayd amni darada muuqata ee saxaafaddu sheegto ayay isku dayaysaa dowladdu kordhinta cadaadiska iyo xariga suxufiyiinta ka waramaya dayaca amni ee jira.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.