Duqeyn xubno katirsan Daacish lagu dilay oo Mareykanka ka fuliyay Puntland

Militeriga Mareykanka ee Africa, ayaa soo saarey qoraal uu ku xaqiijiyanayo duqeynta, oo lala eegtay saldhig Daacish ay ku leedahay dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn xubno katirsan Daacish lagu dilay oo Mareykanka ka fuliyay Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad Drone ah oo Ciidamada Mareykanka leeyihiin ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay buuralayda gobolka Bari, halkaasi oo lagu beegsaday Xubno katirsan Kooxda Daacish Maalintii shalay, July 21.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Timirshe, oo 140-KM Koonfur Bari uga beegan magaaladda Boosaaso, waxaana lagu dilay 7 dagaalyahan oo Kooxda Daacish kamida ahaa, kuwaasoo sida AFRICOM sheegtay weerar ku qaadey Ciidamada Puntland.

War-Saxaafadeedka AFRICOM waxaa lagu xusay inaysan jirin wax khasaaro ah, oo shacabka kasoo gaarey howlgalka, iyadoo dhinaca kale aysan war kasoo saarey duqeynta Saraakiisha Maamulka Puntland, oo loo maleynayo inaysan ka warheynin waxa ka dhacay degaanadooda.

Sanadkii tagey, Mareykanka ayaa hogaamiye sare oo Daacish katirsanaa ku dilay duqeyn noocan ah oo isla gobolka ay ka fuliyeen. 

Waxaa jira eedeymo hay'adaha xuquuqda aadanaha u jeedinayaan Mareykanka oo ku aadan inay howlgalkooda Soomaaliya ku dileen dad badan oo shacab ah, taasoo ka dhigaysa inay dembiyo dagaal ka geysanayaan dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.