Faah-Faahinta Qarax iyo weerar lagu qaaday Hotel Afrik

Waxaa kasoo baxaya faah-faahin dheeri ah qasaaraha ka dhasay qaraxyadii is xig-xigay iyo weerarkii lagu qaaday mid kamida Hotel-lada ku yaal magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Faah-Faahinta Qarax iyo weerar lagu qaaday Hotel Afrik

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo oo xooggan ayaa lagu qaaday Hotel caan ah oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho, meel u dhaw isgoyska No.4. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa waxa uu ahaa gaari waxlaxa qarxa laga soo buuxiyay kaasoo lagu dhuftay illinka hore ee laga galo Hotelka.

Xilliga uu qaraxu dhacay oo ahayd 5:00 galabnimo oo ay daqiiqado wehliyaan, waxaa goobta ku sugnaa dad shacab ah oo waddada marayay, kuwa ku jiray Hotel ka gudihiisa, oo ay kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Qaraxa kaddib waxaa gudaha ugalay Hotel ka rag hubeysan oo ku labisan dharka ciidamada dowladda, kuwaasoo sida la rumeysan yahay ka furtay weerar dhawaan lagu qaaday ciidamada dowladda oo hub iyo dharba looga furtay.

Hay'adda Sirdoonka ayaa heshay xogta qaraxa, mana jiro wax tillaabo ah oo ay qaadday, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Hotel ka qaraxu ka dhacay uu ahaa hotel ka ay ku shiri jireen midowga musharaxiinta, sidoo kalena lagu qabanayay toddobaadyadii ina dhaafay Shirar looga soo horjeedo dowladda, waxaana ugu dambeeyay shir ay maanta ku yeesheen Hotel ka odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, waxaana Hotelka looga dhawaaqay in Maamul ka madaxbanaan dowlada lagu dhisayo muqdisho!

Mas'uuliyiin ka tirsan ciidamda dowladda Soomaaliya ayaa ku jiray gudaha Hotel ka, waxaana Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Laba Afle laga soo badbaadiyay Hotel ka, iyagoo ku sugnaa xilligii uu qaraxu ka dhacay gudaha Hotel ka. Sidoo kale Ganacsade lagu magacaabo Xuseen Goleey oo ah milkiilaha Hotelka la weeraray, Odoyaal iyo Dhallinyaro halkaas ku sheekeesanayay ayaa iyagana lasoo badbaadiyay.

Qaraxa inta uusan dhicin waxaa jiray farriimo la isku dhaafsanayay baraha ay bulshadu ku xiriirto, sida Whats App ka iyo Facebook -ga, kuwaasoo dadka looga digayay in ay fariistaan Hotel lada ku yaal degmooyinka Waaber, Xamar Jajab iyo Xamar weyne, sida ku cad farriintan oo loo soo diray qof shacab ah ka hor inta uusan qaraxu dhicin:

Farriinta oo dhammeystiran sidan ayay u qorneyd:

"Cusboonaysiinta Sirdoonka --------

 Waxaa lagu soo warramey, khatar weyn oo ku wajahan hoteelada iyo maqaayadaha ku yaal Muqdisho 72da saac ee soo socota.

 Asxaabta waxaa lagula talinayaa inay ka fogaadaan goobaha muhiimka ah ee xubnaha Baarlamaanka ama Dowlada Soomaaliya ay ku badiyaan saacadaha shaqada.

 Hoteellada waawayn, makhaayadaha iyo makhaayadaha ku teedsan wadada Maka al Mukarama ee ku dhow dhismaha baarlamaanka Federaalka waxaa loo arkaa inay yihiin bartilmaameedyo qiime sare leh AS.

 Sidoo kale hoteelada iyo makhaayadaha ku yaal degmooyinka Waaberi / Hamra Jabjab / Xamar Weyne iyo Shangani ayaa sidoo kale walaac laga muujinayaa hase yeeshe, meelaha labaad ee bartilmaameedka ah lama diidi karo.

 Waan ognahay in AS ay weeraro ku qaadi doonto goobaha labaad haddii aysan awoodin inay bartilmaameedsadaan bartilmaameedkooda koowaad.

 Fadlan ka badbaado 72-kan saacadood ee soo socda oo ka warbixi dhammaan dhacdooyinka iyo waxqabadka shakiga leh"

Laamaha ammaanku wey ku guul darreysteen in ay wax ka qabtaan qaraxyada, kani waxa uu kamid yahay qaraxyada la ogeysiiyay shacabka, kahor inta uusan si rasmi ah u dhicin, waxaana iska cad in Hay'adda Nabad sugiida iyo Sirdoonka qaranka ee NISA iyo kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay wada-shaqeyn ka dhaxayso. Hoteelkii ay dowladdu ku dhib qabtay ee shirarka mucaaradka lagu qaban jiray ayaa loo weeciyay weeraradii lala eegan jiray madaxda iyo ciidamada dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.