Fahfaahin: Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Beled-Xaawo

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Goob suuq ah oo lagu iibiyo xoolaha iyo qaadka, waxayna ku taallaa nawaaxiga Isbitaalka degmada Buulo Xaawo.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Beled-Xaawo

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku dhimatay, qaar intaasi ka badana dhaawac ayaa kasoo gaarey qarax maanta ka dhacaya Suuqa Xoolaha ee Beled-Xaawo.

Saraakiisha gobolka Gedo, oo qaarkood la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino xalay lagu sii diyaariyay gudaha Suuqa, oo Xoolaha lagu iibiyo, iyadoo maanta oo kalena u ahayd maalin mashquul badan, oo xoolaha la kala iibsado.

Dad gaaraya 9 ruux oo soo gaarey dhaawacyo kala duwan ayaa la dhigay Isbitaalka, oo aan sidaasi uga fogeyn Suuqa oo weerarka ka dhacay, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ay degan tahay, islamarkaana Ciidanka ay sugayaan amniga.

Shalay ayay ahayd markii qarax miino lagula eegtay inta u dhaxaysa Beled-Xaawo iyo Doolow Wasiirka Waxbarashadda C/llaahi Goodax Barre oo safar shaqo ku joogay gobolka Gedo, iyadoo ay wehliyeen Xildhibaano, oo labo kamid ah weerarka ku dhaawacmey.

Keydmedia Online ayaa warbixin ka diyaarisay Qaraxyada Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab ka faa'idaysanaysa xaaladda kala-guurka, oo madaxda dalka ku mashquulsan yihiin arrimaha doorashooyinka, oo khilaafka ka taagan yahay. [Halkan ka akhri warbixinta 90-ka maalmood].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.