Falcelinta Madaxda ee Qaraxii Kismaayo

Waxaa ku dhimatay qaraxa afar Ciyaartoy, oo Koox Heerka 1aad katirsanaa, waxaana dhaawacmay dad badan.

Warar Keydmedia Online
Falcelinta Madaxda ee Qaraxii Kismaayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Jubbaland iyo dowladda Federaalka ayaa ka hadlay Qaraxii Shalay Galab ka dhacay Kismaayo, kaasoo lala beegsaday Gaari Bus ah oo Ciyaartoy wadey.

Qaraxa inta la ogyahay afar Ciyaartoy ayaa ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan, oo shacab wadada marayay ku jiraan, sida ay sheegeen laamaha amniga Kismaayo.

Axmed Madoobe: "Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si bareer ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed".

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hartay Bulshadda.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa isna yiri: "Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu galabta la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaalada Kismaayo."

Wuxuu RW Rooble intaasi ku daray in qaraxa uusan ka horjoogsan doonin dowladda iyo Shacabka hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay Qaraxa, oo uu ku tilmaamay mid arxandarro ah oo ka marag kacaya sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalka.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa, oo sida Keydmedia Online ogaatay laal damacsanaa Madaxda ka qeybgalaysay furitaanka ciyaaraha Kubadda Cagta Heerka koowaad oo Garoonka Waamo ka dhacaysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.